4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Madaxweyne Silaanyo oo xariga ka jaray xarun loo dhisay Agoonta Somaliland


Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun balaadhan oo lagu xanaaneyn doono caruurta agoomaha ee Somaliland, taas oo ay maalgalisay dawladda Kuweyd.

Munaasibad balaadhan waxa ka soo qaybgallay madaxweynah, wefti ka socday Kuweyd, wefti ka socda Jabuuti, wasiirro, xildhibaanno iyo marti sharaf aad u badan.

Xurntan oo ah mid laga bineeyey dhismeyaal aad u qurux badan oo aan dalka hore looga samayn ayaa waxa maanta lagu qabtay xarunta Agoomaha ee Kuwayd, taas oo ah mashruucii ugu balaadhnaa ee dawladda Kuweyd ka hirgaliso Somaliland.

“Waxaa farxad weyn ah maanta inaynu ka soo qaybgallay xaruntan weyn ee quruxda badan ee wax walba iskugu jirta ee ay maalgalisay dawladda Kuweyd, illaahay waxaan ka baryeynaa inuu khayr ka siiyo, agoontu waa qayb kamid ah dadweynaha oo u baahan in wax la taro”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey furitaanka xaruntan.

Waxaanu intaas ku daray “Dawladda inoo dhistay aad ayaanu u maahdnaqayna wayna mahadsan yihiin, ilaahay waxaanu ka beryeyna inay noqoto meel waxtar u leh Somaliland, waxa kale oo aanu u mahad naqayna dadka kale nagala soo qaybgalay iyo weftiga reer jabuuti”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wufuuddii ka kala socotay Kuweyd iyo dawladda Jabuuti, kuwaas oo amaanay xaruntan balaadhan ee loo dhisay agoomaha oo aad loo casriyey, isla markaana si heer sare ah loo qallabeeyey.

Xaruntan ayaa laga yegleelay duleedka Barri ee magaaladda Hargeysa, taas oo ah mid aad u balaadhan oo loogu tallogalay in lagu qabto waxyaalo kala duwan, waxaanay xaruntu leedahay beer wax lagu beero, qaybtii farsamadda, garoomo lagu ciyaaro, sidoo kale waxa lagu baranayaa Maadiga iyo Diinigaba.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland