4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Maxkamad Laashay Dacwado loo Haystay Madaxweynihii hore ee dalka Masar


Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maaxamed Xusni Mubaarak ayaa lagu waayay dambiyo horay loogu soo oogay, iyadoo maxkamad ku taalla Masar ay maanta ku dhawaaqday inay ku wayday dhowr dacwadood oo loo hastay, kuwaasoo ay ku jireen inuu ka dambeeyay dilka dad dibad-baxayaal ahaa sannadkii 2011-kii.

Dacwada loo haystay Mubaarak ayaa waxaa ka mid ahaa inuu ganacsade Masri ah uu ka qaatay lacag taasoo uu howlo badan u adeegsaday iyo inuu gaaska dabiiciga ee Masar kaga iibiyay Israel qiimo aad uga hooseeya qiimaha uu joogo.

Mubaarak ayaa waxaa maxkamadda lala soo taagay wasiirkiisii hore ee arrimaha gudaha, Xabiib Al-Cadli, ganacsade, Xuseen Saalix iyo labadiisa wiil ee Alaa iyo Jamaal.

Sidoo kale, Mubaarak oo 86-jir ah ayaa maxkamad lagu keenay sariir lagu xambaaro dadka buka, maadaama xaalado caafimaad-darro ah sannadihii ugu dambeeyay, wuxuuna sariirta dusheeda ka salaamay taageerayaashiisa oo dibadbaxyo dhigayay.

Maxkamadda gudaheeda ayaa waxaa mar qura laga maqlay masharaxad iyo sacab, kaddib markii garsooraha maxkamadda Maxamuud Kaamil Al-Rashidi uu ku dhawaaqay in dambi-yadii Xusni Mubaarak loo haystay lagu waayay, iyadoo taageerayaal watay boorar uu ku sawirnaa Mubaarak iyaguna ay illinka hore ee maxkamadda ku sugnaayeen.

Dhanka kale, dad kasoo horjeeday Mubaarak oo dadkoodu ku dhinteen kac-doonkii xukun-ka looga tuuray ayaan ku farxin go’aanka maxkamaddu kasoo saartay dacwadihii horay loogu oogay, iyagoo sheegay in xukunkani yahay mid cadaaladda ka baxsan, waxaana qaar ka mid ah dadkan ay xukunka kaddib billlaabeen inay dhulka isku tuuraan, iyagoo ku dhawaaqayeen erayo ka dhanka ah Xusni Mubaarak.

Madaxweynihii hore ee Masar ayaa wali ahayn qof madax-bannaan iyadoo loo haysto dacwado kale, waxaana la filayaa in billooyinka soo socda lasoo taago maxkamad, iyadoo loo haysto dacwado ay ka mid yihiin wax is-daba-marin.

Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2011-kii ayay ahayd markii uu billowday kacdoonkii loogu magac daray Guga Carabta, kaasoo suuro-geliyay in laga tuuro xukunka madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo sannado badan xilka hayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa