4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Golaha wakiilada SL oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay guddiga doorashooyinka


Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Golaha wakiillada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay maanta guddiga doorashooyinka Somaliland oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo ay mid ka mid tahay haweeney uuna ku jiro Siciid Cali Muuse oo ka mid ahaa wariyeyaashii laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Xubnahan ayaa la filayaa inay xilka kala wareegaan guddigii hore oo muddo shan sano ah shaqeynayay, waxaana xubnahan oo mid-mid loo ansixiyay ay iyaguna maamulayaan shanta sano ee soo socota doorashooyinka wakiillada baarlamaanka, madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka.

“Waxayna gudo galaynaa codeynta guddiga doorashooyinka Somaliland oo mid-mid ah ugu codeyn doonnaa, waxaana xubin walba laga doonayaa inuu helo 42 cod, waa in la joojiyo dhaqdhaqaaqa iyo hadalka,” ayuu yiri guddoomiyaha wakiillada Somaliland C/raxmaan C/llaahi Cirro oo shir-guddoominayay kulankii maanta.

Sidoo kale, C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in Siciid Cali Muuse oo ahaa kii ugu horreeyay oo cod gacan-taag ah loo qaaday isagoo xusay inay ogolaadeen 68 mudane oo ka mid ah 69-mudane oo kulankii fadhiyay, isagoo sheegay in codeyntiisu ay ansax tahay.

Toddobada xubnood ee guddiga doorashooyinka Somaliland ayay magacyadoodu kala yihiin: Maxamuud Xasan Wacays (Saygool), Siciid Cali Muuse, C/qaadir Iimaan Warsame, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Maxamed Jaamac Maxamed, C/raxmaan Cismaan Aadan iyo C/fataax Ibraahim Xasan.

“Aniga ma sheegi karo hadda dareenkayga, wuxuuna ku xiran yahay hadba howsha nalo doortay sida aan ugu guuleysanno,” ayay tiri Kaltuun Sheekh oo ah gabadha keliya ee ku jirta guddiga maanta la ansixiyay.

Mar la weydiiyay Kaltuun sida ay uga soo bixi karaan howsha cusub ee loo dhiibay oo ah mid u baahan cadaalad ayaa sheegtay inay la kaashanayaan Alle, ayna ku dadaalli doonaan inay bulshadooda ugu shaqeeyaan si ay ku jirto cadaalad iyo sinnaan.

Siciid Cali Muuse oo isagana wax laga weydiiyay dareenkiisa ayaa sheegay in uu aad uga naxsan yahay xilka culus ee maanta la ii dhiibay, waayo waxaan ka fekerayaa sida aan uga soo bixi doono, anigoo rajeynaya inaan cadaalad, midnimo iyo wadajirka Somaliland ka shaqeyn doono, tan ugu muhiimsanna ay tahay in qof walba cadaaladdiisa uu helo.

“Waxaan shacabka Somaliland ka codsanaynaa inay nagu caawiyaan howsha culus ee naloo dhiibay, haddaan guddiga doorashooyinka nahayna waxaanu ka shaqeyn doonnaa sidii qof walba uu ku heli lahaa xuquuqdiisa,” ayuu mar kale yiri Siciid Cali Muuse.

Xubnahan ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda xilka kala wareegaan guddiigii hore ee doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo soo shaqeynayay shanti sano ee lasoo dhaafay, xilkoodana uu ku ekaa 29-kii bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa