4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Biyaha caadiga ah oo joogto loo cabo oo la sheegay inay Daweeyaan 24 Cudur


Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Ururka dhakhaatiirta dalka Jabbaan ayaa soo saaray warbixin ay ku sheegeen in cabista biyaha caadiga ah xilliga aroortii hore ah ay daweeyaan cudurro badan oo ay ku jiraan dhiig-karka, sokorta, TB-da iyo kuwo kale oo halis ah.

Warbixinta ururka ayaa lagu xusay in 100% cabista biyaha caadiga ah inta aanu qofku wax kale sameyn marka uu hurdada kasoo kaco ay dawo u tahay cudurro khatarta ah iyo kuwa aan khatar ahayn, iyagoo ku xusay warbixinta inay ku guuleysteen tijaabooyin ay horay u sameeyeen.

Cudurrada ay cabista biyaha caadiga ah daweeyaan ayaa waxaa ka mid ah: cudurrada ku dhaca wadnaha, madax-xanuunka, jir xanuunka, aartariyada, waddanha oo si xowli leh u garaacma, qalalka, dufanka oo jirka ku bata, oof-wareenka, qaaxada, meningitis-ka, kalyo xanuunka iyo kaadi-mareenka, matagga, gaas-ka, shubanka, baabasiirka, sokorka ama macaanka, calool-yaabiska, cudurrrada indhaha ku dhaca oo dhan, gooryaannada, kansarka, xanuunada caadada dumarka iyo cudurrada ku dhaca sanka, afka iyo cunaha.

HABKA DAWEYNTA:

Sidoo kale, warbixinta ururka ayaa lagu sheegay habka ay tahay in biyaha loo cabo marka huradada laga soo kaco, kuwaasoo ay kusoo koobeen lix qodob oo kala ah:

1. Marka aad hurdada kasoo kacdo inta aadan cadayan cab afar galaas oo midkiiba uu yahay 160-ml.
2. Markaas kaddib cadayo oo nadiifi ilkahaaga, laakiin waxba ha cunin hana cabin illaa muddo 45-daqiiqo ah.
3. Kaddib 45-daqiiqo si caadi ah ayaad wax u cuni kartaa una cabi kartaa.
4. Mar walba oo aad quraacato, qadeyso amaba casheyso waxba ha cunin hana cabin illaa muddo laba saacdood ah.
5. Dadka da'da ah ama xanuunsan ee aan cabi karin afar galaas oo biyo ah ha ku billaabeen biyo yar, si tartiib-tartiib ahna ha u kordhiyaan illaa inta ay ka gaarayaan afar galaas oo biyo ah inay qaataan maalin walba.
6. Habkan waxay daawaynayaan xanuunanda oo dhan, qofkuna wuxuu heli doonaa nolol caafimaad leh oo uu ku raaxeysto.

HABKA LAGU DAWEEYO CUDURRADA WAAWEYN:

Habkan wuxuu ku siinayaa tirada maalmaha loo baahan yahay in qofku biyaha caadiga ah cabo si uu uga dawoobo ama uga yaraadaan dhibka cudurrada waaweyn.

1. Dhiig-karka (30 maalmood)
2. Gaastariikada (10 maalmood)
3. Sokorta/Macaanka (30 maalmood)
4. Calool-yaabsuka (10 maalmood)
5. Kansarka (180 maalmood)
6. TB-da ama Qaaxada (90 maalmood)
7. Dadka qaba xanuunada ku dhaca halbowlayaasha waa inay habkaan oo kale raacaan muddo saddex maalmood ah hal ama laba toddobaad iyo wixii ka dambeeya si ay u dawoobaan.

Daawadan ayaan lahayn waxyeello, si kastaba ha haatee waxaa laga yaabaa in qaabkan uu sababo inaad dhowr jeer kaadiso maalintii, taasoo qayb ka ah caafimaadka jirka bani’aadamka.

Ugu dambeyn, hay’adda dhakhaatiirta Jabbaan waxay sheegeen in haddii la wado nidaamka uu qofku ka dhigan doono sidii shaqo caadi ah ee noloshiisu ay la qabsato. Iyagoo ku boorriyay dadka ‘ Cab biyaha si aad caafimaad iyo firfircooni u hesho’.

Tijaabooyin ay ku sameeyeen shacabka dalka Jabbaan ayay sheegeen inay aad ugu guuleysteen inay helaan caafimaad ka badan kii ay horay u haysteen, iyagoo sheegay in maalin walba ay shacabka Jabbaan biyo badan cabaan ka hor inta aysan u kalihin shaqooyinka.

Xigasho: www.healthbytez.com 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa