4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Baarlamaanka oo Axada beri ah shiraya iyo xildhibaanno diyaarinaya Mooshin

Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Xildhibaannada mooshinka ka keenay RW Somalia, C/weli Sh. Axmed ayaa isku diyaarinaya sidii ay berri kulanka baarlamaanka ku horgeyn lahaayeen mooshinka ay ka wadaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaasoo guddoonka baarlamaanku ay horay u sheegeen inaan dooddiisa lasii wadi karin, kaddib buuq saddex jeer oo isku xigta uu ka dhaliyay kulammadii baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Axad ah uu kulan ku yeesho xaruntiisa Muqdisho, iyadoo ay socdaan kulamo xal loogu raadinayo khilaafka xildhibaanada u dhexeeya iyo buuqii baarlamaanka ka dhacay.

Inkastoo xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinkan ay horay u sheegeen in ay ka hortagayaan in mooshinkan la horkeeno baarlamaanka, ayaan weli la ogeyn go’aankooda ku aaddan kulanka berri dhacaya haddii mar kale la hor-keeno mooshinka.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dadaallada lagu doonayo in muranka u dhexeeya xildhibaannda lagu dhameeyo laga gaaray hormar aan buureyn, inkastoo aanu wali wax war ah uu ka soo bixin mas’uuliyiinta sare ee golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xildhibaannada diiddan mooshinka ay aqbaleen in si sharci ah lagu kala baxo, ayna ballanqaadeen inay joojin doonaan buuqa ay ka sameynayaan kulammada baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka ayaa sheegay inay rajeynayaan in kulammada soo socda ee baarlamaanka ay noqdaan kuwo ka duwan kuwii hore ee uu buuqu ka dhashay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa saddex kulan oo uu horay u yeeshay ka dhacay buuq, kaddib markii la isku khilaafay mooshinka ka dhanka ah RW Soomaaliya, kaasoo ay xildhibaannada diiddan ay sheegeen inuu yahay mid aan sharci ahayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa