4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Uganda oo ku goodisay inay Joojinayso Isticmaalka Dekedda Mombasa, Kenya

Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Ururka ganacsatada dalka Uganda (KACITA) ayaa ku goodiyay in ganacsatada Uganda ay joojin doonaan wax kala soo dagista dekedda magaalada Mombasa ee dalka Kenya haddii ay mas'uuliyiinta Kenya ku fashilaan sii-deynta shixnad ku socotay Uganda oo la hakiyay muddo labo toddobaad gudohood ah.

Digniintan ayaa timid kaddib amar kasoo baxay hay'adda canshuuraha dalka Kenya (KRA) oo lagu sheegay in canshuuraha hormarsi lagu bixiyo, taasoo sababtay in shixnado u socday dalka Uganda lagu xannibo dekedda Mombasa.

"Tan iyo Arbacadii waxa Mombasa lagu hayay shinaxado ku jira konteenarro oo gaaraya 4,000, sababtuna waa canshuuro aan meelna haysan oo hay’adda canshuuraha Kenya ay iska soo saarayso," ayuu yiri guddoomiyaha KACITA, Everest Kayondo.

Sidoo kale, Kayondo ayaa intaas ku daray. "Sidaa darteed, waxaan siinaynaa laba toddobaad in lagu sii daayo shixnadda, laga billaabo manta, waayo mar hore ayaan bixinnay dhammaan canshuurihii dekedda iyo kuwii kale ee lagu soo dajiyay shixnadda, haddii ay taasi dhici waydo, waxaan u wareegaynaa dekedda Darusalam, Tanzania."

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa isna sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu codsi u diro xukuumadda Kenya si loo xalliyo arrintan ku saabsan shixnadaha ganacsi ee lagu xayiray dekedda Mombasa.

Mas'uuliyiinta hay’adda canshuuraha dalka Kenya ayaa Khamiistii sheegay in ay si buuxda uga jawaabi doonaan cabashooyinka ka imaanaya ganacsatada Kenya, balse lama oga in shixnadaha ay sii dayn doonaan iyo in kale.

Dalka Uganda ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka wax kala soo daga dekeda Mombasa, Kenya, iyadoo dalkaas uusan lahayn bad, taasina ay keentay inay kala soo dagaan shixnadahooda ganacsiga dalalka badaha leh sida Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa