4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Xubnihii Somaliland uga qaybgeli lahaa wadahadalada oo gaaray dalka Turkiga

Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Xubnihii maamulka Somaliland uga qayb-geli lahaa wadahadalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya oo u gaaray dalka Turkiga sidii loo sii wadi lahaa wadahadallada labada dhinac u dhaxeeya oo hakad ku jiray muddo hal sano ku dhow.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo wafdigaan horkacaya ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan inay ka qayb-galaan wada-hadallada, inkastoo aanay wali dowladda Somalia shaacin wafdiga uga qayb-geli doona wadahadallada.

Sidoo kale, wasiirka madaxtooyada Somaliland, Xirsi Xaaji Cadami isagana sheegay in haddii ay yihiin Somaliland ay diyaar u yihiin mar walba in wada-hadalladu sii socdaan ayna diyaar u yihiin fulinta qodobbadii shirarkii hore lagu heshiiyay.

“Innagu mar walba diyaar ayaanu u nahay inay wadahadalladu sii socdaan; waxaana tagaynaa meel walba oo wadahadallada madal looga dhigo,” ayuu yiri Xirsi Xaaji oo la hadlayay warbaahinta.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ajandayaasha wadahadallada ay yihiin sidii loo hirgelin lahaa guddigii farsamada ee labada dhinac iyo sidii go’aano looga gaari lahaa waxyaabihii horay looga heshiiyay.

Wadahadallada u dhaxeeyay dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa dhowr jeer hakaday, iyadoo dowladda Somalia ay weydiisatay dhawaan in dib loo dhigo wadahadallada tan iyo markii uu billowday sannadkan.

Guddigii horay Somalia uga qaybgalay wadahadalada oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga, C/kariin Xuseen Guuleed uu is-casilay bartamihii sannadkan, kaddib weerarro ay Al-shabaab ku qaadday dhismaha baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay magacawdo gudigii uga qeyb-geli lahaa wadahadallada, isla markaana ay dhawaan u diri doono dalka Turkiga si ay wadahadalladu u billowdaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa