4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 29, 2014
Dagaal dhimasho & dhaawac badan sababay oo ka dhacay Gobolka Galguduud

Sabti, November 29, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal dhexmaray ciidammo ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dadka deegaanka War-shuba oo 100-km waqooyi ka xigta degmada Xarardheer e ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa dhaliyay dhaawacyo fara badan oo labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo hayn tirada dhaawacyada, ayaa haddana wararku waxay shegayaan inay kor u dhaafayaan illaa 25-qof, waxaana dhaawacyada la kala geeyay isbitaallo ku yaalla degmooyinka Cadaado iyo Dhuuso-mareeb oo gobolka kawada tirsan.

Colaadda oo shalay dhacday ayaa wararku waxay sheegayaan inay saameyn ku yeesheen degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Cadaado, halkaasoo wararka ka imaanaya ay sheegayaan inay ka socdaan abaabullo dagaal oo ay wadaan labada dhinac.

Sidoo kale, wararka laga helayo gobolka Galguduud ayaa sheegay inay ka billowdeen saakay dadaallo lagu doonayo in colaadda lagu joojiyo, inkastoo ilo wareedyadu ay sheegayaan in saakay ay dagaalladu dib u billowdeen.

Malleeshiyooyinka uu dagaalku u dhexeeyo ayaa la sheegay inay dagaalka u adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin gaadiidka dagaalka ee ay qoryaha culus ku rakiban yihiin.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horay uga dhacay dagaallo ay dad badan ku naf-waayeen, iyadoo colaaddan la sheegay inay tahay mis salka ku haysa kuwo horay uga dhacay deegaanno badan oo gobolkaas ka tirsan.

Si kastaba ha haaatee, colaaddan ayaa imaanaysa xilli ay DF Somalia isku dayayso inay maamul mideysan u sameyso gobollada Galguduud iyo Mudug, inkastoo hakad uu ku yimid sameynta maamulkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa