4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 28, 2014
Wafdi ka socda dowladda Jabuuti oo booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa


Jimco, November 28, 2014 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Diinta iyo Dhaqanka Jabuuti, Aadan Xasan Aadan ayaa maanta  safar shaqo ku yimid magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Weftigan waxa madaarka ku soo dhoweeyey wasirka Diinta iyo Aw qaafta Somaliland, Sh. Khaliil Cabdilaahi iyo madax ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo dhaqanka Jabuuti Aadan Xasan Aadan ayaa ka hadlay ujeedadda ay Somaliland u yimaadeen, waxaanu sheegay inay ka qaybgallayaan munaasibad balaadhan oo lagu furayo xarunta Agoomaha oo ay dawlada Kuweyd maalgalisay.

“Waan idin kaga mahad-celinaynaa soo dhawaynta diiran ee walaaltinimada leh ee madaxdii Somaliland oo tiro badan nagu soo dhawaysay Hargeysa, tani waxay na dareensiinaysaa walaalnimada labada shacab iyo labada dal u ka dhexeysa. Marka hore waxay ahayd wax waajib ah inaad na soo Casuuntaan. Waxa kale oo iyana waajib ahayd inaanu ka soo jawaabno”ayuu yidhi wasiirka Diinta iyo Aw qaafka Jabuuti Aadan Xasan oo ka hadlayey ujeedadda socdaalkoodda.

“Runtii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, oo Somaliland iyo Soomaaliba meel wayn kaga taalo, arimaha noocan ahna aad u dhiiri galiya ayaa markiiba amar nagu siiyay inaanu idin kala soo qayb galno Munaasibada Barito, aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu nimaadno.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dawladda Kuweyd ayaa mashruuc balaadhan oo ay ku kacday in ka badan toban milyan oo dollar ka hirgalisay duleedka Barri ee magaaladda Hargeysa, kaas oo loogu tallogalay in caruurta agoomaha lagu koriyo waxna lagu barro.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland