4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 28, 2014
Boko Haram oo Ciidamo ka qoranaysa Cameroon iyo dadaal looga Hortagayo


Jimco, November 28, 2014 (HOL) — Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria ayaa billowday inay dagaalyahanno ka qorato dalka Cameroon, iyadoo hoggaamiyeyaasha muslimiinta Cameroon ay sheegeen inay wadaan dadaallo uga hortegayaan arrintaas.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Cameroon,  Amadou Ali ayaa Ogoostadii aynu soo dhaafnay u sheegay warbaahinta calaamka in kooxda Boko Haram ay muddo laba bilood gudahood ah ka qoratay magaalada Kolofata 450 ruux oo u dagaalama.

Gobollada dalka Cameroon ayaa lagu  dhajiyay boorar ay ku qoran yihiin 'Ma doonayno in aan ku biirno Boko Haram' taasoo qayb ka ah dadaalka ay uga hortagayaan in dhalinyarada dalkaas u dhashay ay ku biiraan dagaallada ay waddo kooxda Boko Haram.

“Waxaan ka sameynaa wacyi-gelinno aan kaga hortagayno in dhallinyarada dalkeenna ay ku biiraan Boko Haram, kuwaasoo intooda badan aan bixinno maalmaha Jimcaha oo la isugu yimaado salaadda Jimcaha,” ayuu u sheegay AFP Imaam Malloum Baba.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaan ku talinaynaa shacabka in ay isku dayaan inay si dhab ah u fahmaan Islaamka, ayna ka digtoonaadaan inay ku dhacaan falalka argagaxisonimada ah.”

Kooxda Boko Haram oo  dagaallo ba’an kawada Waqooyiga dalka Nigeria ayaa isku dayaya inay colaado kuwaas oo kale ah ka abuuraan Cameroon oo ay daris yihiin Nigeria, iyagoo sheegay inay dalka Nigeria iyo kuwa dhow ka dhisayaan dowlad Islaami ah.

“Boko Haram waxay sheegayaan inay dadka ku wacdiyaan Islaamka, balse ma jirto wax ay diinta Islaamka ka og-yihiin,” ayuu yiri Baba. Isagoo intaa ku daray. “Blasé dhibaatada halkan ka jirta waa dadka oo ay aqoon-darri hayso, mana doonayaan inay fahmaan fariimaheenna.”

Oday-dhaqameed kasoo jeeda beesha Lamido oo diiday inuu is-magacaabo ayaa sheegay in ay haystaan dhallinyarada deegaankooda ku nool dhibaatooyin dhinaca nolosha ah, taasoo dhallinyarada ku qasabtay inay beeraha fashaan halkii ay wax ka baran lahaayeen.

Laba bilood ka hor dukaanle lagu magacaabo Amadou Bachirou oo ku noolaa magaalada Maroua oo ku taalla waqooyiga Cameroon ayaa sheegay in wiil ay saaxiibbo yihiin uu ku biiray kooxda Boko Haram.

“Wuxuu ahaa wiil qoyskiisu faqri yihiin, wuxuuna ii sheegay in kooxdu ay dhaqaale badan bixiso. Isagoo igu yiri haddii aad doonayso i soo raac, balse anigu ma qaadan taladiisa. Waxaan ogaaday inuu hadda qoyskiis lacag u soo diro,” ayuu Bachirou u sheegay AFP.

Ugu dambeyn, ilo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa sheegaya in kooxda Boko Haram ay dhallinyarada ku biira siiso lacag dhan 1,000 doollar, halka mushaar ahaan ay bishiiba u siiso kuwa u dagaalama 2,00 oo doollar.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Boko Haram ayaa sheegtay inay doonayso in ay dalka Nigeria ka hirgeliso dowlad Islaami ah, iyadoo dowladda dalkaas ay awood u la-dahay sidii ay kooxdaas kaga taqalusi lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya