4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 28, 2014
Gaadiid ay Wateen Ciidamada AMISOM oo lagu Qaraxiyay Shabeellada Hoose

Jimco, November 28, 2014 (HOL) — Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidan ka tirsan kuwa AMISOM ayaa maanta qarax miino lagula eegtay deegaanka Ambareesa ee gobolka Shabeellada Hoose xilli ay kusii socdeen degmada Baraawe.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaadiidka oo maraya waddada Baraawe iyo Ambareesa isku xirta lala beegsaday qarax miino, iyagoo sheegay inaysan ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo ahaa mid xooggan.

“Miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku socday degmada Baraawe. Qaraxu wuxuu ahaa mid aad u xoog badan, mana ogin khasaaraha ka dhashay,” ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta.

Inkastoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxan lagu bar-tilmaameedsaday ciidamada AMISOM ayaa hadda Al-shabaab waxay bogaga taageera ku qortay in qaraxaas ay ku burburiyeen mid ka mid ah booyadaha ciidamada AMISOM, ayna ku dileen askar.

Ma jiro hadal kasoo baxay taliska AMISOM oo ku saabsan qaraxa gaadiidka ay wateen ciidamadooda lagula beegsaday deegaanka Ambareesa, balse ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM lagu qariyo gobolkaas.

Degmada Baraawe ayay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu horraantii bishii hore kala wareegeen xoogagga Al-shabaab oo muddo lix sannadood ah ay u ahayd saldhig weyn oo ay gobolka Shabeellada Hoose ku leeyihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya