4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 28, 2014
C/QAASIM SALAAD: Khilaafka Hoggaanka Somalia Dastuurka ayaa Sabab u ah

Jimco, November 28, 2014 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in khilaafka madaxda dalka uu sabab u yahay dastuurka oo aan lagu qeexin awoodaha ay kala leeyihiin labada mas’uul ee dalka ugu sarreeya.

Dr. C/qaasim oo wareysi siinayay mid ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatada is-qabqasiga ah ee madaxda dalka u dhexeysa ay soo jirtay tan iyo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa ee lagu soo dhisay Carta, Jabuuti.

“Runtii waa nasiib-darro khilaafyada aan dhammaadka lahayn ee madaxda dalka soo dhex-gala, kuwaasoo soo jirtay tan iyo dowladdii Carta lagu soo dhisay, waana mid ka imaanaya khaladaad ku jira dastuurka dalka oo aan lagu qeexin awoodaha ay labada mas’uul kala leeyihiin,” ayuu yiri C/qaasim Salaad.

DHAGEYSO: Hadalka iyo Talooyinka C/qaasim Salaad Xasan

Sidoo kale, ayaa ku taliyaya in dastuurka la saxo, lana kala saaro awoodaha ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kala leeyihiin, taasoo uu sheegay inay sababi karto inuu yaraado khilaafka joogtada ah ee soo dhex-gala madaxda dalka.

“Tan labaad waxa weeye… in khilaafka la joojiyo, waayo ma jirto wax dan ah oo ugu jirta ummadda Soomaaliyeed oo in ku dhow 30-sano dagaal iyo hoog is-qasbsiga madaxda dalka. Sidoo kalena in madaxweynaha ay is-qabsadaan ra’iisul wasaarihii uu soo magacaabay, haddana xildhibaanada baarlamaanka ay isku qabsadaan ma jirto dan ku jirta,,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mar la weydiiyay C/qaasim caqabada uu khilaafkan ku keeni karo horumarkii ay Somalia gaartay sannadihii lasoo dhaafay ayuu ku jawaabay, “Khilaafka jira caqabad weyn buu ku yahay horumarkii dowladda iyo kan dalka intaba. Sidoo kale waxay dhibaato ku tahay amniga iyo taageeradii laga heli lahaa dalalka dibadda, marka in khilaafkaas la xalliyo waa lagama maarmaan.”

Ugu dambeyn, Dr. C/qaasim ayaa soo jeediyay in aqoonyahanka, culumada iyo waxgaradka Soomaaliyeed intay isku tagaan inay la hadlaan madaxda dalka ee uu khilaafku u dhexeeyo una sheegaan waxa ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kaasoo ah in khilaafka lasoo afjaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya