4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 28, 2014
Haweeney ka tirsan Midowga Afrika oo ka hadashay booqashadeedii Muqdisho

Jimco, November 28, 2014 (HOL) — Shir jaraa’id oo ay xarunta AMISOM ee Muqdisho ku qabatay haweeneyda Midowga Afrika u qaabilsan haweenka iyo carruurta Bineta Diop oo ay wehlisay ku xigeenka wakiilka Midawga Afrika ee Soomaaliya, Lydia Wanyoto ayay uga hadashay arrimo ay ka mid yihiin, kulammo ay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho kula yeelatay Xildhibaannada haweenka ah ee baarlamaanka ku jira iyo kuwa ciiadmada ka tirsan.

Sidoo kale, kale Bineta Diop waxay waxay shirkeeda jaraa’id kaga hadashay kulan gaar ah oo ay la qaadatay madaxweynaha DF Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud.

Bineta ayaa sheegtay in maalmihii ay Muqdisho joogtay ay dadaallo dheeri ah u gashay sidii ay wax badan ugu ogaan lahayd dhibaatooyinka ay qabaan haweenka Soomaaliyeed, si gaar ah haweenka ku jira siyaasadda iyo doorka ay kaga jiraan siyaasadda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in warbixinno ay ka qaadatay ay madaxweynaha Somalia si toos ah ugu gudbisay uuna ka ogolaaday inuu wax ka qaban doono dhamaan caqabadaha horyaalla haweenka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan.

Intii ay booqashada ku joogtay Diop Muqdisho ayay sheegtay in ammaanka iyo dib u dhiska ka socdaa ay la dhacday, isla markaana ay u muuqdaan horumarro dhan walba ah oo ay Somalia ku talaabsaneyso.

Dhanka kale, waxay sheegtay in Midawga Afrika ay u gudbin doonto wixii ay ku aragtay Muqdisho, gaar ahaan dhinaca horumarka iyo amniga, taasoo ay xustay inay ku rajo weyn tahay inay u riyaaqi doonaan xubnaha AU-da, gaar ahaan hoggaankiisa sare.

Ugu dambeyn, Bineta Diop ayaa waxaa ay aad u ammaantay howlgalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegtay inay deegaanno badan kaga saareen Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya