4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 28, 2014
Midowga Yurub oo sheegay inuu ciidammo dheeraad ah u tababarayo Somalia


Jimco, November 28, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Yurub howlgalkiisa tababarrada ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay inay qorsheynayaan in sannadka soo socda ee 2015-ka ay tababaraan tiro u dhiganta ciidamada ay tababareen sannadkan 2014-ka.

Saraakiisha tababarka bixinaya ayaa sheegay in inkastoo amniga Muqdisho uu halis yahay haddana ay qorsheynayaan in ciidammo 12,00 oo askari ah ay Muqdisho ku tababaraan sannadka soo socda.

Tababarayaasha Midowga Yurub ee Somalia ku sugan oo tiradooda ay tahay 128 sarkaal ayaa 11 koorso oo ay ku tababareen 1,150 askari Muqdisho ku qabtay, iyadoo lagu wado in toddobaadyada soo socda ay 250-askari oo kale u soo xiraan tababar dhowr bilood u socday.

“Waxaan qorsheynaynaa inaan sannadka soo socda u tababarno Soomaaliya 1,200 oo askari oo dheeraad ah, inkastoo ammaanka Muqdisho uu xilligaan yahay mid halis ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Midowga Yurub wabaahinta ugu  sheegay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Sidoo kale, sarkaalkan ayaa sheegay hadafkoodu uu yahay inay tababaraan ciidammo Soomaali ah oo ku filan ka hortagga weerarrada ay Al-shabaab ku soo qaadayaan goobaha ay dowladdu ka taliso.

Ururka Midowga Yurub ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay tababaro siinayay askar ka tirsan milateriga Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil loogu talo-galay inay tababaraan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Somalia ayaa dhankeeda sheegtay inay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay ku dhisi lahayd ciidamadeeda una qalabeyn lahayd, si ay u noqdaan kuwa ugu horreeya ee uu ammaanka dalku ku tiirsan yahay.

Somalia ayaa haatan waxaa ku sugan 22,000 oo askari oo ka socda dalal ka tirsan kuwa Afrika oo ay ku jiraan waddamada dariska la ah Soomaaliya sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo dowladda ka taageera dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya