4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Golaha Wasiirada Puntland oo meel mariyey xeerka guddiga doorashooyinka

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) —Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa dood dheer kadib meel mariyey xeerka guddiga doorashooyinka.

Kulanka Golaha Wasiirrada waxaa sidoo kale  warbixno looga dhegeystey Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Maxamuud Alloore iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali Axmed Faatax.

Wasiirku amnigu wuxuu ka warbixiyey xaalada guud ee ammaanka Puntland halka Wasiirka Qorsheynta oo isagu ka qayb galay shirkii Copenhagen golaha u faahfaahiyey go'aamadii kasoo baxay shirkaas iyo weliba kaalinta ay Puntland ka qadatay.

Ugu dambeyntii waxaa warbixino laga dhegeystey guddiyo ka tirsan isla Golaha Wasiirrada kuwaasoo loo saarey inay u kuur galaan xaaladda ciidamada, shaqaalaha rayidka ah iyo weliba dhaqaalaha.

Xeerka guddiga doorashooyinka Puntland ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyey ee xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas meel mariso laga soo bilaabo markii la dhisay toban bilood kahor.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya