4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Maxkamad ku Taalla Britain oo dhallinyaro Somali ah ku heshay Kufsi iyo Dambiyo kale


Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada Bristol ee dalka Birtain ayaa 13 dhallinyaro Soomaaliyeed ah ku heshay dambiyo isugu jiray kufsi, adoonsi dhinaca galmada ah iyo isticmaalka Maandooriyeyaal kala duwan.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay falal kufsi ah u geysteen afar gabdhood oo saddex ka mid ah ay ahaayeen caddaan halka gabardha kalen ay ahayd dadka midabkoodu barxan yahay, iyadoo la sheegay in gabadhahan ay da’doodu u dhexeyso 13-sano illaa 17-sano.

Gabdhahan ayaa la sheegay in dhallinyaradaan ay ku haysteen hoteel ku yaalla magaalada Bristol ee gobolka England, halkaasoo la sheegay inay xilliyada qaar ku kufsan jireen, xilliyo kalena afartaas gabdhood ka iibin jireen rag kale si ay lacag uga helaan.

Maxkamada Bristol Crown Court ayaa dhageysatay dacwada lagu soo oogay dhallinyaradan labo jeer, iyadoo siddeed ka mid ah dhalinyaradan lagu riday xukun xabsi ah oo u dhexeeya 18 bilood illaa iyo 13 sano. Halka Toddobada kalena lagu wado in berri oo Jimco ah lagu dhawaaqo xukunkooda.

Wiilashan Soomaaliyeed ayaa magacyadooda lagu kala sheegay; Saciid Zakariye oo 22 jir ah, Mustafa Faarax oo 20 jir ah, Liibaan Cabdi oo 21jir ah, Carafaat Cismaan oo 20 jir ah, Iidle Cismaan oo 21-jir ah, Mustafa Diiriye oo 22-jir ah, Cabdullaahi Aadan oo 20-jir ah, Maxamed Jaamac oo 23-jir ah, Maxamed Jimcaale oo 24-jir ah, Maxamed Daahir oo 22-jir ah, Yuusuf C/risaaq oo 20-jir ah, Cumar Jimcaale oo 20-jir ah, C/rashiid C/llaahi oo 21-jir ah iyo Zakariye Sheekh oo 21-jir ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Britain, gaar ahaan magaalada Bristol ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dambiyada dhalinyaradan lagu soo eedeeyay, waxaana qoraal ay soo saareen Soomaalida Bristol ku sheegeen in falalka lagu eedeeyay dhallinyaradan aysan ahayn kuwo Soomaalida lagu yaqaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya