4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2014
Isimmada Puntland oo Xaflad soo dhoweyn ah u sameeyey Nabaddoon cusub

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) —Munaasabad ay isku baranayeen isimmada Puntland iyo nabadoonka  cusub ee Beelaha Geri Koobe ee deggen Puntland Nabadoon Cabdisalaan Jaamac Faarax ayaa maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimey islamarkaana lagu qabtay hoteelka New Rays waxaa kasoo qayb galay in ka badan toban isim oo kuwa soo jireenka ah  iyo mas'uuliyiin ka socdey maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.

Nabadoon Cabdisalaan Jaamac Faarax oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa dhammaan kasoo qayb galayaasha uga mahad celiyey sida diirran ee ay usoo dhoweeyeen, isagoo codsaday in si fiican loola shaqeeyo looguna duceeyo in xilka culus ee beeshiisu u dhiibatey Ilaah u fududeeyo.

Qaar kamid ah isimadii kulanka kasoo qayb galay oo iyaguna si kooban goobta uga hadlay ayaa sheegay in Nabadoon Cabdisalaan Jaamac Faarax  yahay shaqsi hufan oo xilkaas kasoo bixi kara, waxayna Ilaah uga bareyeen in mas'uuliyadda uu qaadey uga dhigo mid sahlan.

Nabadoonnada Puntland ayaa kaalin muuqata ka qaata xallinta khilaafaadka soo kala dhex gala beelaha iyagoo sidoo kale dowr weyn kuleh hagista siyaasadda Puntland maadaama ay si dhow ula shaqeeyaan isimada soo jireenka ah oo iyagu udub dhexaad u ah dowladda soona xula xildhibaanada baarlamaanka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya