4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn kale u geystay Tuulo ku dhow Jilib

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa markii labaad duqeymo ka geystay maanta deegaanka Hargeysa-yarey oo ku taalla duleedka magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeymahan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jilib oo magacyadooda qariyay sababo ammaan awgood ayaa warbaahinta u sheegay in tuulada Hargeysa-yarey oo ay ku nool yihiin dad shacab ah duqeyn xooggan ay maanta u geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya.

Diyaaradaha ayaa la sheegay inay ugu yaraan sagaal jeer bambooyin iyo gantaallo culus ku garaaceen tuuladaas, iyadoo dadkii ku noolaana ay ka barakaceen deegaankaas.

“Hargeysa-yarey maanta waxay la kulantay duqeyn culus, gantaallo aad u fara badan ayay diyaaraduhu ku garaaceen… jugtooda degmada Jilib ayaa laga maqlayay,” ayuu yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday oo ku sugan degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Isagoo sii hadlaya ayuu goobjooguhu yiri. “Illaa hadda ma ogin khasaaraha ka dhashay duqeynta, maalin ka hor ayay ahayd markii diyaaraduhu ay sidan oo kale duqeyn u geysteen tuuladan.”

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa xaqiijiyay duqeynta, waxayse sheegeen inaysan jirin cid wax ku noqotay, iyagoo ku goodiyay inay go’aansadeen inay ka aargutaan duqeymaha ay Kenya ku dhibaateynayso shacabka goobaha ay ka taliyaan ku nool.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo saraakiil u hadlay milateriga Kenya ay sheegeen 49 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ku dileen duqeyn ay maalin ka hor ka geysteen deegaanka Hargeysa-yarey, taasoo ay Al-shabaabna beenisay.

Tan iyo horraantii todobaadkaan markaasoo ay Al-shabaab ku dishay 28-qof oo Kenyan ah duleedka magaalada Mandheera ayay Kenya waxay duqeymo ka geysanaysay deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay ku tuhmayso inay xoogagga Al-shabaab ku sugan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya