4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Injineer la Shaqeeya Shirkad Turki ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Injineer u shaqeynayay shirkadaha Turkiga ee ka howlgala Muqdisho ayaa lagu dilay Qarax baabuurkiisa loogu xiray, kaasoo kula qarxay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkan, balse Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay inay mas’uul ka tahay dilal noocan oo kale ah oo lala beegsaday xubno dowladda ka tirsan, shaqaale haya’adeed iyo qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho.

“Wuxuu ahaa Injineer qandaraasle ah oo la shaqeynayay hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Muqdisho. Ma garanayno sababta loo beegsaday, laakiinse waxaa socda baaritaanno,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaaliya.

Sarkaalkan oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay inuu Injineerka la dilay dhawaan kasoo laabtay dalka dibaddiisa, isagoo xusay in uu la shaqeynayay shirkadaha Turkiga ee caawiya dowladda Soomaaliya.

“Gaarigiisa ayaa loogu xiray waxyaabaha qarxa, taasoo ku qaraxday isagoo socda, wuuna dhintay,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka booliiska Somalia ka tirsan ee la hadlay wakaaladaha wararka caalamiga ah.

Dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli Injineer u shaqeynayay dowladda hoose ee Xamar oo sannado ka hor kasoo laabtay dalka Mareykanka, kaasoo howl dib u dhis ah ka waday magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan oo inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay Muqdisho laga maqlay, iyagoo intaas ku daray in gaariga oo dhan uu burburay, ruuxii watayna uu gaariyooday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya