4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
IGAD oo Cambaareysay Toogashadii lagu dilay 28-ka ruux ee Keenyaanka ah


Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Urur-goboleedka dalalka Bariga  Afrika ee IGAD ayaa cambaareeyay weerarkii Sabtidii lasoo dhaafay lagu dilay 28-ka qof ee Keenyaanka oo ka dhacay duleedka degmaada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Mas'uuliyadda dilkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaabta Soomaaliya; iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay inuu ahaa mid ay ugu aargudayeen dhibaatooyinka aan kala go’a lahayn ee ay ciidamada Kenya ku hayaan muslimiinta Mombasa ku nool.

“Kuwii weerarkan foosha xun mas’uulka ka ahayd waa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu horkeeno cadaaladda,” ayuu ku yiri xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin War-saxaafadeed uu ururku kaga hadlayay toogashada.

Sidoo kale Maxbuub Macallin ayaa xusay in IGAD ay ka taageeri doonto Kenya iyo dalalka kale ee gobolka ku yaalla sidii ay uga hortegi lahaayeen falalka argagaxisada iyo kooxaha kale ee xajiriinta ah ay geysanayaan.

“IGAD waxay u taagan tahay inay Kenya ka caawiso la dagaalanka falalkan oo kale si loo xaqiijiyo ammaanka iyo nabadgalyada dadka Kenya iyo dadka kale ee soo booqanaya dalkaas, iyadoo aan loo eegayn diinta ay rumeysan yihiin iyo jinsiyaddooda,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ururka.

Maxbuub ayaa shacabka dalka Kenya ka dalbaday inay isku-duubni muujiyaan, isagoo ka dalbaday inaan falkan wuxuushnimada ah loo raadin mar-marsiiyo lagu waxyeelleeyo dad aan wax lug ah ku lahayn.

“Dambiilayaasha dhibkaan foosha xun geystay waxay doonayaan inay shacabka Kenya kala jaraan, iyadoo ujeeddada falkooda uu yahay mid ay ku doonayaan inay dadka nabadda jecel ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ku nool ka dhigaan kuwo ka takooran shacabka kale ee Kenya,” ayuu danjire Maxbuub ku daray hadalkiisa.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay IGAD ka mid noqonaya war-saxaafadeedyo horay uga soo baxay ururro caalami ah, kuwaasoo lagu cambaareeyay dilka 28-ka qof isugu jiray 19 rag ah iyo sagaal dumar  ah oo mas’uuliyadda dilka loo geystay ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya