4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Masaajiddo ku yaalla Magaalada Mombasa oo Toddobaad kaddib dib loo furay


Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Afar Masaajid oo ku yaalla magaalada Mombasa ee xarunta gobalka xeebta Kenya ayaa maanta dib loo furay kaddib markii ay xirnaayeen muddo hal toddobaad ah.

Masaajidaas oo kala ahaa Masaajidka Minaa, Sakina, Swafaa iyo Musa ayaa dhamaantood toddobaadkii lasoo dhaafay laga xanibay dadka muslimiinta ah inay ku tukadaan ama ay gudaha u galaan, iyadoo ciidamada booliiska Kenya-na ay soo bandhigeen hub ay sheegeen iney ka dhex heleen Masaajidadaas.

Furitaanka afartaas Masjid, ayaa yimid kadib labo maalin oo ay socdeen wada hadalo u dhaxeeyay hogaamiyaasha sare ee Muslimiinta Kenya,  Madaxda is maamulka Mombasa iyo waliba taliska ciidamada ku sugan deegaankaas, kuwaasoo ugu dambeyn maanta isku af-gartay in dib loo furo goobahaas lagu cibaadeysto.

Salaadihii Duhurka ee maanta, ayaa qaar ka mid ah Muslimiinta ku dhaqan magaalada Mombasa oo ay ku jiraan Hoggaamiyayaasha Muslimiinta, waxey ku tukaday Masaajidka Muuse oo ka mid ahaa afartaas Masaajid ee mudada xanibnaa.

Guddoomiyaha Mombasa Xasan Cali Joho iyo Guddoomiyaha Gobolka Nelson Marwa, ayaana si isku mid ah oga wada hadlay dib u furitaanka masaajidadaas, waxeyna sheegeen in afartaas Masaajid mid kasta loo sameyay Wadaad dadka tujiyo iyo guddi joogto ah kuwasoo lagu og yahay howlaha masaajidadaas ka socdo,  si aynan mar kale u dhicin in Masaajidadaas lagu eedeyo falal argagaxiso.

Dhanka kale wada hadaladii socday maalmihii aynu soo dhaafnay ee Masaajidadaas dib loogu furay, ayaa waxaa lagu casuumay oo ka qeyb galay xubno ka socday Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya SUPKEM " Supreme Council of Kenya Muslims". Golaha Qaranka Muslimiinta Kenya iyo waliba Golaha Imaamyada iyo Muwaacidiinta Kenya ee ayagana magacooda loo soo gaabiyo CIPK "Council of Imams and Preachers of Kenya" kuwaasoo dhamaantood ku hadlo afka Muslimiinta ku dhaqan wadankaan.

Toddobaadkii aynu soo dhaafay ayey aheyd markii saraakiisha ammaanka Mombasa ay weerar ku qaadeen Masjidka Muusa ayna ku soo qabteen in ka badan 250 qof kuwaasoo markii dambe lagu soo eedeyay iney ka tirsanaayeen Urruro argagixiso. Iyadoo ciidamaduna ay sheegeen in Masaajidadaas dhalinyarada lagu bari jiray falal ay ku tilmaameen xag-jirnimo.

Boolisku waxey sidoo kale soo bandhigeen hub kala duwan iyo Cajalado ka hadlaayo Jihaadka kuwaasoo ay ku sheegeen iney ka heleen masaajidaas.

Masaajiddaas oo ku kala yaallo degmooyinka Kisauni iyo Majengo ee magaalada Mombasa, ayaa dib u furitaanka wuxuu ka dambeysay weerar Sabtidii aynu soo dhaafnay oo bishu ay ku beegneyd 22-November ay xoogaga Al Shabaab ku dileen 28 qof oo 21 ka mid ah ay ahayeen maclimiin kuwaasoo saarnaa Bas ka soo baxay magaalad Mandheera kuna socday Nairobi.

Ururka Al Shabaab ayaa sababta ay dadkaas u dileen ku sheegay inay ugu aar-gudayeen waxyeelada magaalada Mombasa loogu geystay dad Musliim ah oo ay ka mid aheyd xiritaanka Masaajidadaas maanta dib loo furay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]  
Nairobi – Kenya