4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Siminaar lagu baranayay Maal-gelinta Islaamiga ah oo lagu Qabtay Muqdisho


Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Waxaa maanta lagu qabtay hoteelka Amiira oo ka mid ah kuwa magaalada Muqdisho siminnaar hal maalin ah oo lagu baranayay habka maal-gelinta Islaamiga ah. Siminnaarkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka Jaamacadda Banaadir, Rugta Ganacsiga iyo Bankiga IBS.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Banaadir, Prof. Cabdiraxmaan Xasan Cumar ayaa sheegay in siminaarkan ay ka qayb-qaateen illaa 50 xubnood oo ka kala socda ardayda iyo shaqaalaha Jaamacada Banaadir, rugta ganacsiga, wasaaradda Maaliyada iyo Bankiga dhexe ee dalka.

“Baahida loo qabo maal-gelinta Islaamiga ah muddooyinkan aad ayaa loo dareemay, kaddib markii bankiyada ku dhisan ribada ama dul-saarka uu khasaarahoodu batay, waxaana sii kordhaya bankiyada Islaamiga ah oo ka badbaaday dhibaatooyinka ay la kulmeen bankiyada kale,” ayuu gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Banaadir ka yiri siminnaarka.

Prof. Mahdi oo ka socday Bankiga dhexe ayaa isna sheegay inay socdaan qorsheyaal la doonayo sidii dhaqaalaha iyo maalgelinta Islaamiga ah loogu saleyn lahaa dhaqaalaha dalka iyo bankiyada ka jira intaba.

Guddoomiyaha Bankiga IBS Xasan Axmed ayaa siminnaarka ka sheegay in caalamku uu ogadaay in dhaqaalaha iyo maalin-gelinta Islaamiga ah uu yahay midka ugu wanaagsan ee horumar lagu gaari karo, isagoo faahfaahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray.

“Maal-gelinta Islaamiga ah aqoonta ku saabsan horumar badan lagama sameyn; maxaa yeelay shantii boqol ee sano ee u dambeysay waxaa Islaamka u talinayey boqorro gacan adag ku qabtay dhaqaalaha iyo siyaasada,” ayuu yiri Xasan.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay habka loo sameyn karo maalgelin iyo dhaqaale Islaami ah iyo hababka looga faaiideysan karo, isagoo xusay in maal-gelinta Islaamiga ah ay uga hirgeli karto dal Soomaaliya oo kale ah, isagoo tusaale u soo qaatay sida dalal badan oo caalamka ka tirsan ay u horumariyeen ganacsiga iyo dhaqaalahooda.

Ugu dambeyn, Xasan ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo qaar ka mid ah dadkii ka faa’iideystay siminnaarka ay ka weydiiyeen habka maalgashiga Islaamiga ah iyo sida uu ku dhisan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya