4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Guryo ay lahaayeen Xubno ka Tirsan Al-shabaab oo lagu Gubay Buula-burte

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan C/siis Duuroow ayaa laanta afka Soomaaliga ee VOA-da u xaqiijiyay in dad careysa si kadis ah dab u qabsiiyeen sida uu hadalka u dhigay guryo ku yalla degmada Buula-burte laakiin asal ahaan ay lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ka danbeysan kaddib markii Al-shabaab ay dilleen qof rayid ahaa oo u anbaxay in uu u soo adeegto caruurtiida, isagoo sheegay in gaari uu lahaa dab la qabadsiiyay kaddibna lagu toogtay meel dulleedka ah degmada.

“Dadka shacabka ah waxaa ay siweyn uga xumaadeen falka ay ku kaceen Al-shabaab, shaqsigaa rayid ah oo ay dilleen hantidiisiina gubeen, iyagoo intaa kaddib gurigiisii tagay caruurtii agoonta ahaa dibada uga saaray gurigiina dab-qabadsiiyay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada.

C/casiis Duuroow waxaa uu ku eedeeyay Al-shabaab in ay dhibaato xoog leh ku hayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada wali gacantooda ku sii harsan, gaar ahaan dadka xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah oo laga qaado sidda uu hadalka u dhigay Sako aan dhamad laheyn.

“Al-shabaab iyo dadka rayidka ah dagaal ayaa ka dhaxeeya, waayo dhibaato xoog leh ayeey ku qabaan, saacad kasata sako ayaa lala dul-taagan yahay, waqti malaha, xoola dhaqatada waxaa la leeyahay sakadii sanadkan iyo tan soo socda ayaa leydin ka rabaa, marka maalmihii ugu danbeeyayba dagaal ayaa socday u dhaxeeya dadka rayidka iyo Al-shabaab, ayuu guddoomiyuhu ku daray hadalkiisa.

Mar wax laga weydiiyay sababta ay ugu suurtagashay in dadka rayid ah dabqabadsiiyaan guryo ku yaalla degmada xili halkaa ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, ayuu sheegay in arrintaasi aheyd mid si kadis ah ku dhacday markiibana la xakameeyay. isagoo yiri. “Dadka dad careysan ayeey ahaayeen, si lama filaan ah ayeey arrintaa u dhacday, markiibana waa laga hortagay.”

Shacabka ku dhaqan degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw ayaa walaac darran ka muujinaya xiisada ka dhax oogan dadka shacabka ah iyo Al-shabaab oo hadda gaarsiisan heer guryaha leyska gubo.

Dhawaa ayeey aheyd markii deegaan lagu magacaabo Qabadane ay ku dagaalameen dad beeraleey ah iyo Al-shabaab waxaana uu dagaallkaas uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

C/raxmaan Diin, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya