4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
KENYATTA: Danta aan ka leennahay Somalia waa inay nabad noqoto oo keliya

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya oo dalka Imaaraadka Carabta kula hadlayay boqolaal Kenyan iyo Somali ah ayaa sheegay inaysan jirin wax dan ah oo dalkiisu uu ka leeyahay Somalia ama qayb Soomaaliya ka mid ah.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Soomaalidu ay dhibaato ku hayaan dadka Kenya, taasoo uu xusay inuusan garanayn sababta ka dambeysa, laakiinse aysan doonayn inay muujiyaan dhankooda inay dhibaateeyaan walaalahooda Somalia.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa inaanay jirin wax dan ah oo ay Kenya ka leedahay Soomaaliya, xitaa qayb ka mid ah. Danta aan ka leennahay Soomaaliya waa hal mid… taasoo an inay nabad iyo xasillooni ka dhalato,” ayuu yiri Kenyatta oo khudbaddiisa inteeda badan kaga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Kenyatta wuxuu sheegay in xukuumaddiisa lagu eedeeyo inay dhibaatooyin ku hayso dadka muslimka ah oo dalkaas ka ah kuwo laga  tiro badan yahay, isagoo warkaas ku tilmaamay mid been ah, xukuumadiisuna ay tahay mid tixgelin u haysa muslimiinta iyo kuwa laga  tirade badan yahay.

“Waa maxay dacaayadaha ay naga baahinayaan Somalia, haddaan tusaale u soo qaato walaashey Aamino Maxamed woo Soomaali ah… waa wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya oo mas’uul ka ah danaha caalamiga ah ee Kenya oo dhan… marka waa maxaay hadallada ay sheegayaan shacabka Somalia… sidoo kale walaalkey Cali Maxamed waa ganacsade Kenya ku leh ganacsiyo aad u fara badan,” ayuu hadalkiisa ku daray Kenyatta.

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in xukuumaddiisu aysan doonayn inay in yar oo dhibaato ah u geysato walaalahooda muslimiinta ah ee Kenya ku nool. Isagoo tusaale u soo qaatay Najiib Balaala oo uu sheegay inuu xil sare oo dhinaca ganacsiga iyo warshadaha ah ka hayo xukuumadda Kenya.

“Xaqiiqadii xukuumaddeydu lama doonayso dhibaato inay ka dhacdo dadka muslimiinta ah… waxaana taas idin kaga filan xildhibaan Aadan B. Ducaale waa hoggaanka aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, waana nin aan saaxiibbo dhow nahay,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Kenya.

Dhanka kale, Kenyatta wuxuu sheegay in danta ay Soomaaliya ka leeyihiin ay tahay oo keliya inay nabad iyo xasillooni ka dhalato… isagoo xusay in nabadda iyo xasilloonida Somalia ay dani ugu jirto dalkiisa Kenya, isagoo yiri. “Nabadda iyo deggenaashaha Somalia waa mid ay dani noogu jirto, waayo waa mid ku xiran horumarkeenna… sidoo kalena Somalia waxaa ugu jirta dan middan oo kale ah.”

Ugu dambeyn, wuxuu hadalkiisa kusoo xiray Uhuru Kenyatta inaysan jirin wax dan ah oo ay ka leeyihiin Somalia, taasna ay tahay mid uu isaga oo ah madaxweynaha Kenya u xaqiijinayo bulshada Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya