4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Xisbi uu gudoomiye u yahay Tarsan oo looga dhawaaqay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Xisbiga cusub oo loogu magic-daray Cadaaladda Bulshada ayaa maanta looga dhawaaqay Muqdisho, iyadoo xisbigan uu guddoomiye u yahay, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Waxaa munaasabaddaas ka qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno, guddoomiyeyaashii hore ee gobolka Banaadir qaarkood, waxgarad, masuuliyiin, haween, culumaaudiin dhallinyaro iyo qaybo kale.

Xubno ku hadlayay magaca qaybaha bulshada oo ka hadlay kulanka ayaa ka warramay doorka muhiimka ah ee loo baahan yahay in axsaabta siyaasadda ay ka ciyaaraan sidii loogu gudbi lahaa doorasho iyo hanaan siyaasadeed oo qayb weyn ka qaata dib-u-dhiska dalka.

Sidoo kale waxaa xisbigu kusoo bandhigay munaasabadda looga dhawaaqay qorshe howleedkiisa cusub oo uu kaga duwan yahay xisbiyada kale ee ka jira dalka; kuwaasoo ku qotoma mabaa’di’dii salka ku haya sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa isku-filnaansho dhaqaale oo ku dhisan cadaalad.

DHAGEYSO: Khudbadii uu jeediyay Maxamuud A. Tarsan

Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka iyo duqii Muqdisho oo munaasabadda ka jeediyay khudbad dheer ayaa cadeeyay hadafka xisbiga.

“Xisbigan wuxuu xambaarsan yahay mabaa’di’dii rasmiga ahaa oo salka ku haya sidii loosoo afjari lahaa cadaalad-xumada ka jirta Soomaaliya oo nooc walba leh,” ayuu yiri Tarsan oo intaa raaciyay. “Waxaan aaminsan nahay in Soomaaliya aysan u baahneen inay ku tiirsanaato abdikeed kaalmo dibadda looga keenay. Dalkeenna waa mid hodan ah… waxaana naga go’an inaan tayeyno kartida bulshada Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah, una noqdaan bulsho isku-filan oo leh wax-soo-saar.”

Tarsan ayaa xusay in xisbigan uusan ahayn xisbi qabiil ama mid goboleysi ku dhisan, balse uu yahay mid u furan inay xubno ka noqdaan Soomaalida oo dhan kuna saleysan mabaadi’dii guud, wuxuuna xusay in dhawaan la qaban-doono shirweynihii ugu horreeyay ee xisbiga laguna dooran doono hoggaanka xisbiga iyo maamulkiisa intaba.

Munaasabada daah-furka xisbiga Cadaalada Bulshada ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska diiwaan-geliyaan xisbiga oo dhawaan qorsheynaya inuu xarumo ka furto gobollada dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya