4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Kulan looga Hadlayay Xaaladda Magaalada Baraawe oo lagu qabtay Muqdisho


Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlay sida ururrada Bulshada Rayidka ah ay u gaari karaan degmada Baraawe ee gobolka Sh. Hoose ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho. Iyadoo kulankaas looga hadlay sidii bulshada ku nool looga tir-tiri lahaa fikradaha qaldan ee dhallinyarada lagu marin habaabiyay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Hay’adda CCD ayaa kulankan soo abaabushay iyadoo ay kasoo qaybgalay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), afhayeenka wasaarada amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf, xubno ururada bulshada rayidka ah, odayaasha dhaqanka iyo haweenka, waxaana lagu falanqeeyay sida lagama maarmaan u tahay in bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ay ugu gurman lahaayeen dadka Baraawe ku nool, maadaama ay dhibaatooyin fara badan soo mareen.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Imaam Maxamed Yuusuf oo sheegay in kulankan uu yahay mid looga hadlayo danta dalka iyo sidii bulshada ay isu abaabuli laheyd, isuguna xirmi lahaayeen, waxaa uu xusay in wacyi gelinta bulshada ay tahay mid muhiim ah.

Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Ex Banaadir Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay marka hore ay muhiim tahay in meelaha laga saaray Al-Shabaab la tago, si bulshada looga wacyi geliyo fikradihii ay uga tageen, gaar ahaan dhalinyarada yar yar ee la qalday in dhaqan celin loo sameeyo.

"In Baraawe la tago oo bulshada halkaas ku dhaqan la wacyi geliyo waa wax wanaagsan, in dhalinyarada la qalday la dhaqan celin loo sameeyo in kuwii lagu qanciyay inay is qarxiyaan ama wax qarxiyaan laga tiro tiro wixii lagu shubay ayaa rabnaa, dhalinyaradana nolol iyo mustaqbal loo sameeyo oo jidkaas qaldan laga soo saaro"ayuu yiri Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax.

Xasan Cali Waranto oo isna kulanka ka hadlay ayaa amaanay doorka Hey'adda CCD ee bulshada, isagoo xusay in Hey'addu ay hadba marxalada lagu jiro ay bulshada qeybaheeda kala duwan ay u qabato siminaaro iyo kulamo looga hadlayo dhibaatada dalka ka jirta.

"Wacyi-gelin iyo baraarujin in bulshada loo sameeyo waa wax meesha ku jira, in umada midnimo iyo wada tashi la timaado, markaas waxaa la gaari karaa yoolka la hiigsanayo oo ah in la midoobo dariiqa qodxaha badan laga gudbo, mar hadii Baraawe la dhaafay Shabaab gabalkiisa waa dhacay waa la hubaa in laga adkaanayo, waxaa noo haray wax yar intaas waa laga guuleysanaa"ayuu yiri Xasan Cali Waranto.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in hey'adaha amniga ay uga qorsheysan tahay meelaha Shabaab laga saaro in la geeyo ciidamo nabadsugid iyo boolis, isagoo xusay in Baraawe la geeyay.

"Amniga anaga dhan ayuu naga dhaxeeyaa, hadaa soo sheegto qofkii amniga dhibaya abaal marin lacageed ayuu helaya, waxa aad aragto oo dhib wada iska soo sheeg,  hadaan ka hadlo Baraawe waxay aheyd meelaha ugu muhiimsan ee Al-Shabaab ku faani jireen ka mid aheyd, hada laakiin gacantooda waa ka baxday"ayuu yiri Maxamed Yuusuf oo ugu baaqay dhalinyarada ku nool inay is abaabulaan oo ay ka shaqeeyaan nabada

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo ugu dambeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Baraawe ay aheyd meel la cunaqabateeyay, isla markaana shacabkii ku dhaqnaa si aad ah loo dhibaateeyay.

"Baraawe Alqaacida ayay xarun u aheyd ee Shabaab uma aheyn, marka tagnay waxaa ogaanay inay u aheyd inay saldhig u aheyd hogaamiyeyaashooda, doon ayaa loogu imaanay Badweynta Hindiya soo mari jireen Bariga dhexe iyo meelahaas ayay ka imaanayeen, shacabkii ku dhaqnaa waa la cunaqabateeyay, waxaa la dhahay aroos lama sameyn karo isu imaanshaha waa la diiday qofka kama bixi karo, hada laakiin waa laga xoreeyay"ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Ugu dambeyn Ururadii bulshada rayidka ee kulanka ka qeyb galay ayaa fikrado iyo talooyin is weydaarsaday, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in bulshada qeybaheeda kala duwan inay tagaan oo ay soo qiimeeyaan xaaladaka jirta, shacabka reer Baraawe la wacyi geliyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya