4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2014
CABDIWELI GAAS: Dib ha looga Fiirsado Mooshinka laga keenay Xukuumadda

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale ku celiyey walaaca Puntland ka qabto khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka iyo weliba mooshinka laga keenay xukuumadda.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay madaxtooyada Boosaaso, ayaa mar wax laga weydiiyey khilaafka Muqdisho ka taagan wuxuu sheegay in Puntland arintaas aad uga walaacsan tahay dhowr mar oo horena shaacisay aragtideeda iyo mowqifka ay ka taagan tahay.

Mooshinka laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayuu ku tilmaamay mid aan sax ahayn laguna soo beegay xilli aan munaasib ku ahayn in baarlamaanka mooshin loo gudbiyo.

Isagoo taas sharaxaya waxaa Cabdiweli Gaas hadaladiisii kamid ahaa "waxan u aragnaa xiligan inaysan munaasib ahayn in la keeno mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaaraha, mooshinka marka la keenayo waa inuu yahay mooshin sax ah wanaagna soo kordhinaya"

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka inay xal ka gaaraan khilaafka dibna looga fiirsado mooshinka, maadaama sida uu tilmaamay mooshinkaasi caqabad ku noqon doono habsami u socodka qorshaha la doonayo in lagu gaaro hiigsiga 2016.

Madaxweynaha Puntland oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa gelinkii hore ee maanta magaalada Boosaaso soo gaareen, muddo todobaad ah ayuu Boosaaso sii joogi doonaa isagoo la kulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada islamarkaana kormeeri doona qaar kamid ah xarumaha dowladda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya