4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Madaxweynaha PL iyo wafdi uu hogaaminayo oo Bosaso lagu soo dhoweyeey

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayey oo wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil ciidamada ahi ku jiraan ayaa maanta soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Si diirran ayaa wafdigaas loo soo dhoweeyey, waxaana duleedka magaalada kaga hortegey mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo boqollaal dadweyne ah oo sitey calammo iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qoran yihiin.

Xarunta madaxtooyada ayaa intaas kadib loosii gudbiyey wafdiga Madaxweynaha halkaasoo si kooban uu warbaahinta ugula hadlay isagoo ugu horeyn ka mahad celiyey sida diirran ee maamulka iyo bulshada magaalada Boosaaso ku dhaqani ay usoo dhoweeyeen.

Gaas ayaa sheegay in dhowr maalmood uu Boosaaso ku sugnaan doono islamarkaana u kuurgeli doono xaaladaha ammaanka iyo arimaha bulshada islamarkaana kormeeri doono qaar kamid ah xarumaha dowladda gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Bender Qasim.

Wafdiga Madaxweynaha oo shalay kasoo baxay magaalo-madaxda Puntland ee Garoowe waxay xalay ku sugnaayeen degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaasoo ay kula soo kulmeen maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waa booqashadii saddexaad ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Boosaaso ku yimaado tan iyo markii la doortey Janaayo 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya