4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Kenya oo mar kale sheegtay inay dishay dagaal-yahanno Al-shabaab ka tirsan

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Milateriga Kenya ayaa markii labaad sheegay inay ku dileen xoogag Al-shabaab ka tirsan duqeymo ay ka geysteen toddobaadkan deegaanka Hargeysa-yarey oo ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Afhayeen u hadlay milateriga Kenya ayaa sheegay in duqeyn ay 27-kii bishan u geysteen diyaaradahooda dagaalka saldhig ay Al-shabaab ku leedahay duleedka Jilib ay ku dileen 49 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, iyadoo sheegtay in shan ka mid ah xubnahaas ay ahaayeen saraakiil sarsare.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dhaawacmeen 27 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, ayna ku burburiyeen laba gaadiidka dagaalka ah. Balse Al-shabaab ayaa horay u diidday hadal uu madaxweyne ku xigeenka Kenya sheegay oo ahaa inay toddobaadkan dileen 100 xubnaha Al-shabaab ka tirsan.

Mas’uul u hadlay Al-shabaab ayaa beeniyay in Kenya ay duqeysay saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay deegaanka Hargeysa-yarey ee gobolka Jubbada Hoose oo ah gobolka keliya ee ay Xarakada Al-shabaab sida buuxda gacanta ugu hayso.

“Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa dhowr gantaal ku weeraray ku garaacay toddobaadkan iskuul hoose/dhexe ah oo ku yaalla deegaanka Hargeysa-yarey,” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Abuu-Xudeyfa oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al-shabaab, isagoo intaas ku daray in xilliga duqeytu ay dhacaysay aysan iskuulka ku sugnayn wax arday ah.

Weerarrada ay ciidanka Kenya ka geysanayaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Koonfurta Somalia ayaa sare u sii kacaya, kaddib markii ay Al-shabaab sheegatay dilka 28-qof oo masiixiyiinta Kenya ka tirsan.

Al-shabaab ayaa weerarro is-daba-joog ah ka geysanaysay gudaha Kenya tan iyo sannadkii 2011, markaasoo ay Kenya kumannaan askarteeda ah u soo dirtay gudaha Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen ammaan-darrooyin iyo afduubyo ka dhacayay gudaha dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya