4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Askar ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo shil gaari ku dhaawacmay

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 11 asakari ayaa dhaawac uu ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Burtinle iyo tuulada Jalam oo ka kala tirsan Mudug iyo Nugaal ,,waxaana shilkan u yimid ka dib markii gaari ay saarnaayeen tiro ciidaan ah uu halkaas ku  rogmaday.

“Waxaa na soo gaartay in gaari ciidanku ay leeyihiin uu ka baxay wadada, waana u gurmanay waxaan indhahayga ku arkay askar dhaawac halis ah qaba “ayuu yiri Cali Faarax oo kamid ah dadka deegaanka uu shilka ka dhacay ,kaasi oo warbaahinta gudaha la hadlay.

Dhaawacyada askartan ayaa qaarkood la soo gaarsiiyay Gaalkacyo iyada oo tira kalena loola cararay cisbitaalka Garowe si halkaasi loogu dabiibo ,mana jiro war rasmi ah oo dowladda arintan ay ka soo saaratay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay kusoo jeedeen Garoowe, halkaasoo loo soo badalay ,waxaana soo baxaysa cabsida laga qabo in qaar kamid ah dhaawacyada ay u geeriyoodaan shilkan oo ahaa mid naxdin badan sida uu sheegay goob-joogaha.

Shilalka gawaarida ayaa sii kordhayay sanadkan gudihiisa ,waxaana jira tiro dad ah oo siyaabo kala duwan ugu waxyeeloobay gawaari ku rogmaday wadada weyn ee isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo ,iyadoo loo aanaynayo shilalkan bur-burka laamiga oo muddo dheer aan dayactir helin.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]