4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 27, 2014
Ahlusunna oo Shaacisay in G/Gedo aysan Imaan karin Diyaarad aysan Ogeyn

Khamiis, November 27, 2014 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay inaysan gobolka Gedo kasoo degi karin diyaarad aysan la socon, kaddib markii diyaarad ciidammo wada ay shalay si lama filaan ah uga dagtay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Xoghayaha maamulka Ahlusunna ee gobolka Gedo, Sheekh Isaaq Mursal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in diyaarad aysan imaanshaheeda aysan la socon maamulka dowladda iyo kan Ahlusunna ee gobolka Gedo aysan kasoo degi karin garoommada gobolkaas ku yaalla.

“Mas’uuliyiinta dowladda haddii ay doonayaan inay booqdaan gobollada dalka qaarkood waa inay la socod siiyaan ciidamada hordhaca ah ee ay geynayaan mas’uuliyiinta deegaannadaas, waayo waxaa dhici karta inuu dagaal dhexmari ciidamadii horay u joogay gobollada iyo kuwa sida lama filaanka ah loogu dirayo,” ayuu yiri Isaaq Mursal.

Sidoo kale, xoghayaha Ahlusunna wuxuu ka digay inaysan mar dambe dhicin in diyaarad aan la ogeyn ay dowladda federaalka ah u soo dirto gobolka Gedo, haddii kale wixii dhacay ay iyadu ka jawaabi doonto.

Diyaarad sidda ciidammo gaar ah oo ka tirsan kuwa dowladda ee loo yaqaan Alpha Group ayaa shalay gaartay degmada Garbahaarey, iyadoo lagu sigtay inuu dhaco dagaal u dhexeeya ciidamadaas iyo kuwii horay gobolka u joogay.

Illaa hadda ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadlay ciidamada la geeyay gobolka Gedo iyo ujeeddadooda, iyadoo tegitaanka ciidamadan uu kusoo beegmayo xilli ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysanayaan duqeymo ba’an deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya