4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
MADAXWEYNAHA KENYA: Qof kasta oo Kenyan ah Amnigiisa lama ilaalin karo


Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo markii ugu horreysay ka hadlay 28-kii qof ee Kenyanka ahaa ee Sabtidii lagu dilay duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ayaa sheegay inaan qof walba oo Kenyan ah ammaanigiisa la ilaalin karin.

Sidoo kale, urur ay ku mideysan yihiin kaniisadaha Kenya ayaa maanta ku eedeeyn u jeediyay hogaamiyayaasha muslimiinta Kenya, iyadoo culimada Islaamku ay arrintaasi iska difaaceen.

Kenyatta oo kasoo laabtay safar uu dibadda uga maqnaa ayaa meesha ka saaray eedeymo dowladdiisa loosoo jeedinayo, kuwaasoo ku saabsanaa inay maareyn kari wayday amniga shacabka iyo dalka Kenya.

Waxaa kaloo uu Uhuru sheegay inaysan suurogal ahayn in la helo ciidamo ku filan ilaalinta amniga dalka oo dhan, isagoo sheegay in amniga Kenya uu yahay mid ay mas’uuliyadi ka saran tahay qof walba oo Kenyan ah.

“Ciidan ku filan ilaalinta amniga qof kasta lama heli karo. Ilaalinta amniga waxaa mas'uul ka ah adiga iyo aniga. Mas’uuliyadda ka hor-tagidda weerarrada waxay saran tahay adiga iyo aniga. Haddaba xitaa haddii aan xoojinno amnigeenna, haddii aan aragno inay habacsanaan jirto, haddii aad soo bandhigtay haba-csanaantaas… waa inaan ogaanaa. Is-casilaadda 100% ma ahan mid bad-qab ah, illaa aan ka aqbalayno mas’uuliyadda naga saaran amniga,” ayuu Kenyatta kaga jawaabay su’aal ay dibadbaxayaashii shalay ku dalbanayeen inuu xukunka ka dago taliyaha booliiska Kenya oo ay sheegeen inuu ku guul-darreystay sugidda amniga muwaadiniinta Kenya.

Dhanka kale, ururka ay ku mideysan yihiin kaniisadaha dalka Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha muslimiinta inay waxba ka qaban waayeen weerarrada ka dhanka ah masiixiyiinta.

Peter Karanja oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa isagoo u sharraxaya warbaahinta waxay ka hadlayaan, wuxuu yiri. “Masiixiyiinta ma aaminayaan hadda war-saxaafadeedyada ay soo qorayaan hoggaaminayaan muslimiinta ee ay naftooda iyo diinta Islaamka uga fogeynayaan weerarada argagixisada, mar kasta mid baa dhaca, hoggaamiyayaasha weligood ma sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya inay qaadayaan tallaabo si ay uga hortagaan una difaacaan ficillada ka dhanka ah masiixiyiinta ka hor inta aysan dhicin. Muslimiinta oo dhan xasuusino waxaan rajeynaynaa inaan xusuusinno inay ku nool yihiin meel kasta oo Kenya ka mid ah, meelaha qaarna ay aad ugu yar yihiin, waxayna ka faa’iideysanayaan is-dhexgalka nabadda dalka oo dhan ka jirta. Haddaba waa dantooda inay bedelaan carada ka jirta kaniisadaha.”

Sh. C/llaahi Siraad oo ka jawaabayay hadalka kaniisadaha ayaa sheegay inaysan dooddaas ku waafaqsanayn kaniisadaha. Doodda ka dhalatay dilkii subaxnimadii Sabtida ahayd ka dhacay meel u dhow Mandheera ayaa aad sare ugu sii kacaysa, waxayna hadda gaartay labada aqal ee baarlamaanka Kenya.

“Madaxda amniga waxay sheegay in ammaanka aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo badan la geeyay xuduudaha, gaar ahaan deegaanka Mandheera oo uu falku ka dhacay, marka taas waa in lagu qanco marka hore,” ayuu yiri Sheekh Siraad.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Mandheera, Cali Roba ayaa meel fagaaraha ka maanta ka sheegay in dhammaan basaska dalkaas gudihiisa ka shaqeeya aysan bixi karin; iyagoo aan ilaalo wadan. Wuxuuna tilmaamay in amniga ay kawada shaqeeyaan dowladda deegaanka iyo midda dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya