4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo dhagax-dhigay wadooyin laga hirgalinayo G/Saaxil


Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta dhagax-dhigay jidka u dhexeeya deegaanadda kala ah Lafaruug, Berbera iyo Sheekh.

Madaxweynaha oo saaka ka anbaxay magaaladda Hargeysa ayaa dhagax dhigay mashaariic wadooyin u badan oo laga hirgalinayo deegaanno hoos yimaadda gobolka Saaxil, waxaanu soo dhoweyn kala kulmay dadweynaha deegaanadaasi.

Markii uu madaxweynuhu dhagax dhigay wadooyinkaasi waxa Qaddo loogu sameeyey degmadda  Sheekh Abdaal, waxaanu madaxweynuhu halkaasi kula hadlay shacabka deegaankaasi, waxaanu ku guubaabiyey inay ka qaybqaataan horumarka dalka.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaa ka hadlay salaadiinta, Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Wasiiro, haween iyo Madaxda gobolka Saaxil iyo ta degmada madheeraba, kuwaas madaxweynaha ku soo dhoweeyey deegaanadoodda

Waddooyinkan madaxweynuhu dhagax dhigay ayaa la sheegay in lagu maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaan (SDF) oo ay dhaqaale ugu soo diraan dhawr wadan oo Yurub ah, waana lacag si toos ah loo siiyo xukuumadda si looga qaybqaato koboca dhaqaale ee wadanka, iyadoo mashaariic badan laga siiyo wasaaradaha, gaar ahaan kuwo wax soo saarka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland