4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Danjire Kay kala hadlay Doorashooyinka


Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo maanta xafiiskiisa kula kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadaha soo aaddan ka mid ahaayeen.

Kulanka ayaa waxyaabihii looga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga guud ee caasimadda, doorashooyinka golaha deegaanka Muqdisho iyo dar-dar-gelinta howlaha dariseynta ah ee uu maamulku kawado degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka iyo Danjire Kay ayaa isku afgartay muhiimadda ay leedahay hir-galinta qorshayaashaas, iyadoo Kay uu guddoomiyaha u ballan-qaaday inuu xafiiskiisu ka qayb-qaadanayo fududeynta howlaha uu qabanayo maamulka gobolka  Banaadir.

Afhayeenka maaamulka gobolka Banaadir, Cali Maxamuud Faarax (Seeko) oo markii uu kulanku soo dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in waxyaabihii kulanka looga hadlay ay ugu muhiimsanaayeen doorashooyinka golaha deegaanka iyo dal madaxnimada dalka oo sannadka soo socda dalka ka dhici doona.

“Waxyaabaha ay kawada hadleen guddoomiyaha gobolka iyo Danjire Kay waxaa ka mid ahaa in kor loo qaado is-dhex-galka bulshada iyo dar-dar-gelinta howlaha Qaramada Midaabay ay kawaddo dalka, gaar ahaan amniga caasimadda Somalia ee Muqdisho,” ayuu yiri Cali Seeko.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in sidoo kale looga hadlay sidii lagu dar-dargelin lahaa howlaha maamulka gobolka oo ay wax badan laga qabtay iyo in loo gogol-xaaro doorashooyinka golaha deegaanka Xamar oo lagu wado inay dhacdo sannadka soo socda.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu xusay in tababarro ku saabsan maamul-wanaaga iyo sidii doorasho uga dhici lahayd degmooyinka ay maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ay kawadeen, iyadoo qorshuhu yahay in ka hor sannadka 2016-ka Muqdisho laga sameeyo doorashooyinka golihii deegaanka gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo danjire Nicholas Kay iyo Muun-gaab ku dhexmara Muqdisho tan iyo markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho xilka loo magacaabay horraantii sannadkan 2014-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya