4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Kulan dhexmaray Wasiirka Arimaha Dibada Somalia iyo R/wasaaraha Yemen


Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta kula kulmay magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen ra’iisul wasaaraha dalkaas, Khaled Mahfud Bahah oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha qaxootiga iyo iskaashiga walaalnimo ee u dhaxeeya labada shacab.

Bayle waxa uu kala hadlay ra’iisul wasaaraha Yemen, kordhinta deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda Soomaalida iyo xoojinta dadaallada lagu cirib-tirayo argagaxisada iyo burcadbadeedda dhibaatooyinka ku haya labada dal ee Yemen iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Yemen Khaled Bahah ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay mowqifka Somalia ay ka taagan tahay u saldhigidda amaanka dalka, nabadgelyada iyo ilaalinta midnimada Yemen.

Sidoo kale, Khaled Bahah ayaa sheegay inay taageerayaan geedi-socodka nabadda iyo federaaleynta Soomaaliya, isagoo ka rajeeyay in guul uu ku dhammaado hiigsiga cusub ee 2006-ka.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa isna booqadiyay Rugta Ganacsiga Yemen iyo xarun goboleedka is-dhaafsiga macluumaadka badda, wuxuuna sidoo kale kulan gaar ah la qaatay wasiirka Kaluumeysiga Yemen, Fahd Salem Kefayen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya