4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka oo qoraalo u diray Beesha Caalamka

Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Qoraallo sir ah oo ay qoreen xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka, isla markaana taageersanna ra’iisul wasaaraha Soomaaliya una direen beesha Beesha Caalamka oo ay HOL heshay ayay ku codsadeen in fara-gelin lagu sameeyo Khilaafka u dhexeeya madaxda Somalia, kaasoo ay u arkeen inuu khatar weyn ku yahay jiritaanka Qaranimada Soomaaliya.

Qoraalladan oo laba ah ayaa loo kala diray Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Mareykanka, Britain, Norway, Imaaraadka iyo Talyaaniga. Sidoo kale, qoraalkan ayay u direen wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo ah guddoomiyaha urur-goboleedka IGAD, iyagoo ku andacoonayaan inay hay’adaha dastuuriga ah ee dalka xallin waayeen khilaafka siyasadeed ee taagan.

Dhinaca kale, Xildhibaannada gudbiyay mooshinka ka dhanka ah RW ayaa  ayaa qaba in uusan jirin qalqal siyaasadeed oo khatar ku ah Qarannimada Soomaaliya, uuna qalqalku yahay mid la buun-buuninayo; isla markaana waxay sheegeen inay aamisan yihiin in hay’adaha dastuuriga ee Qaranka ay ku filan yihiin xallinta khilaafka loona baahan yahay inaan la jah-wareerin Beesha Caalamka.

Haddaba Qoraallada ay HOL heshay oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska halkaan hoose kasoo rogo:

SOO ROGO QORAALKA 1-AAD   IYO QORAALKA 2-AAD


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya