4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Guddoomiyihii Hore ee Mudug Cabdirashiid Dhuubane oo Garoowe lagu Xiray

Arbaco, November 26, 2014 (HOL) —  Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali ayaa ka hadlay xarigga siyaasi Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo xalay ciidamada booliska ee degmada Garoowe xabsiga u taxaabeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta loo xiray Dhuubane tahay kadib markii uu shalay warbaahinta la hadlay islamarkaana shaaciyey warar liddi ku ah jiritaanka Puntland ammaankana khal khal gelin kara.

"gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug waa la xiray waxaana lagu xiray hadalo abuuri kara amni darro khtarna ku ah jiritaanka puntland, saad darteed ayaa loo xiray si loo ilaaiyo jiritaanka Puntland" Gudoomiye Xaashi ayaa sidaas yiri

Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo horay usoo noqday guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa shir jaraa'id oo shalay uu magaalada Garoowe ku qabtay wuxuu ku dhaliilay siyaasadda Madaxweynaha Puntland isagoo sheegay inuu baal maray dhammaan balan qaadyadii uu sameeyey xilligii uu murashaxa ahaa.

Waa siyaasigii ugu horreeyey ee Garoowe lagu xiro laga soo bilaabo markii Cabdiweli Gaas loo doortey Madaweynaha Puntland horraantii sanadkan 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya