4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2014
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo degmada Qardho gaaray

Arbaco, November 26, 2014 (HOL) —  Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo oo goor hore oo saaka ahayd kasoo kicitimay magaalada Garoowe ayaa soo gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaano iyo saraakiil ciidamada ahi ku jiraan, si diiran ayaa degmada Qardho loogu soo dhoweeyey waxaana magaalada bannaankeeda kaga hortegey boqollaal dadweyne ah.

Wararka laga helayo Qardho ayaa sheegaya in Madaxweynuhu muddo hal maalin ah sii joogi doono degmada Qardho isagoo inta uu halkaas ku sugan yahay la kulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intaas kadib Gaas iyo wafdigiisu waxay usii gudbi doonaan degmada Bosaso ee xarunta gobolka Bari halkaasoo dhowaan laga bilaabi doono mashruuca lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Mashruuca oo muddo dheer qorshihiisu soo socdey waxaa sida wararka hoose lagu helayo hakad geliyey muran ka dhashay qandaraasyada yaryar sida: keenista dhagaxa, biyaha iyo cuntada oo shirkado yaryari isku qabsadeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya