4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Shaqaalaha ka shaqeeya Mandheera oo billabaay inay Halkaas isaga Cararaan

Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Boqolaal ruux oo ka mid ah Kenyanka ka shaqeeya magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa billaabay inay isaga cararaan magaaladaas, kaddib markii Sabtidii lasoo dhaafay weerar 29-qof lagu dilay uu ka dhacay duleedka magaaladaas, kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Dadka ayaa ah kuwa aan Soomaalida ahayn ee ka xoogsada gobolka Waqooyi-bari Kenya, iyagoo magan-galyo ahaan u galay saldhig ciidamada Cirka Kenya ay ku leeyihiin Mandhera, si ay ugu nabad-galaan baqdin ay ka qabaan in Al-shabaab beegsato.

Shaqaalahan oo isugu jira macallimiin iyo kuwo ka shaqeeya caafimaadka ayaa sheegay inay isaga tagayaan Mandhera, si aanan loogu beegsan inay yihiin masiixiyiin awgeed.

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee ka jirta magaalada Mandheera oo ku dhow xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, waxaana xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay geeyeen mooshin amni-xumada la xiriira.

Xildhibaanka laga soo doorto magaalada Mandheera, Bilow Keerow ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay dayacday amniga Mandheera, iyadoo aan u dirin ciidammo ku filan sugidda amniga, isagoo xusay inaan loogu gurman magaaladaas si la mid ah sidii loogu gurmaday gobolka xeebta ku yaalla.

Goobaha laga raaco basaska ayaa waxaa buuxiyay dad badan oo doonaya inay ka tagaan gobolka Waqooyi-bari Kenya, iyadoo busaska ay noqdeen kuwo mashquul ah oo aan la heli karin meel laga raaco, waxaana xilligan ka jirta magaalada Mandheera xaalad deggenaasho xumo ah.

Al-Shabaab ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku dilay duleedka Mandheera 28 qof oo Kenyaan ah, kuwaasoo la socday bas u socday magaalada Nairobi, iyadoo dadka la dilay ay ahaayeen 19-rag ah iyo sagaal dumar ah, kuwaasoo intooda badan ahaa macallimiin wax ka dhiga gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya