4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Baarlamanka Puntland oo la Xisaabtamay hay'ada Hanti-dhowrka guud ee PL

Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Baarlamaanka Puntland oo weli ku  jira kal-fadhi-giisii 34aad islamarkaana wada la xisaabtanka xukuumadda ayaa su'aalo weydiiyey agaasimaha Hay'adda Hanti-dhowrka Guud ee Puntland Jaamac Maxamed Cismaan.

Xildhibaanada ayaa agaasimaha ka codsaday inuu sharraxaad ka bixiyo shaqada hay'adda, qaab-dhismeedkeeda, sida a ay warbixinaha kusoo ururiso una soo gudbiso iyo weliba waxa u qabsoomay tobankii bilood ee lasoo dhaafay.

Agaasimaha oo warbixin dheer golaha ka hor akhriyey ayaa ugu horeyn si kooban uga warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay Hay'adda Hanti-Dhowrka Putland sanadkan 2014 isagoo xusay inay samaysay horumar dhinacyo badan leh.

Xafiiska koowaad ee hay'adda oo ku yaala magaalada Garoowe ayuu sheegay inay ka hawl galaan gudoomiyaha, afar ku xigeen, 22 hanti dhowre, hal agaasime iyo 54 kale oo shaqaale hoosaad ah isagoo intaas raaciyey in hay'addu xafiisyo ku leedahay gobollad qaar.

Qaabka ay warbixina usoo ururiyaan mar uu ka hadlayeyna wuxuu tilmaamay in hay'addu sameyso baaritaano saddex nooc isugu jira kuwaasoo kala ah: baaris sanadeed qarsoodi ah oo lagu sameeyo dhammaan hay'adaha dawlada, mid qorshaysan oo lagu hubiyo xisaab xirka maaliyada halkii sanaba iyo baaris aan qorshaysneyn oo ku timaada xaalado deg deg ah.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Hay'adda Hanti-Dhowrku warbixino joogto ah u gudbiso Madaxweynaha, sidoo kale warbixin sanadle ah usoo gudbiso baarlamaanka wixii khuseeya hanti la lunsadeyna loo gudbiyo xeer ilaaliyaha guud ee dawlada.

Kal-fadhiga 34aad ee Baarlamaanka Puntland oo ajendeyaashiisa kamid tahay la xisaabtanka xukuumadda waxaa laga soo bilaabo markii uu furmay horyimid islamarkaana xildhibaanadu su'aalo ku weydiiyeen in ka badan 30 mas'uul oo madax ka ah wasaaradaha iyo hay'adaha dawliga ah ee madaxa banaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya