4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Mid ka mid ah ergadii shirkii Copenhagen oo ka hadlay khilaafka Siyaasadeed

Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ah la taliye madax-bannaan oo xukuumadda Finland kala taliya arrimaha dalka Somalia ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaaliya iyo shirkii dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Radio Dalsan ayuu Caalin ku sheegay in shirkii lagu qabtay Copenhagen looga hadlay arrimo badan sida amniga, lacagaha iyo xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

DHAGEYSO: WAREYSIGA

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in shirka uu kusoo gaba-gaboobay sidii loogu talo-galay; balse wuxuu xusay in madaxda Soomaaliya ay shirka ka qayb-galeen, iyadda oo uu dalka hareeyay khilaafka madaxweynaha iyo ra'iisul wasaarihiisa u dhexeeya.

Ugu dambeyn, Caalim ayaa sheegay in danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu ku guul-darrestay xalinta khilaafkasi iyo inuu isku dayay in uu Xasan Sheekh ka dhaadhaciyo xal loo helo khilaafka kala dhexeeya ra'iisul wasaaraha; balse aanay taasi dhicin.

Xigasho; Radio Dalsan