4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Dowladda Mareykanka oo Muwaadiniinteeda uga digay inay u safraan Jabuuti

Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa uga digtay inay u safraan dalka Jabuuti, kaddib markii ay heshay xog ku aaddan weerraro argagixiso oo laga yaabo in danaha uu Mareykanku ku leeyahay dalka Jabuuti lagu bartilmaameedsado, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka ah ee jooga Jabuuti inay xakameeyaan dhaq-dhaqaaqooda, ayna taxadaraan, iyadoo ay sheegtay inay dhici karaan weeraro argagixiso.

Digniintan ayaa waxaa lagu sheegay suuro-galnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca dalka Jabuuti, inkastoo aanay weli dowladda Jabuuti si rasmi uga hadlin digniinta uu Mareykanku soo saaray.

Mareykanka ayaa horay u soo saaray digniino kuwan oo kale ah, kuwasaoo muwaadiniintiisa uu uga digay inay u safraan dalal ku yaal Afrika, cabsi laga qabo inay beegsadaan kooxaha Islaamiyiinta ah awgeed.

Ciidammo ka socda dalka Jabuuti oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku sugan Somalia, iyadoo horay digniin uga soo baxday Al-shabaab ay ku sheegeen inay weerarayaan Jabuuti.

Xukuumadda Washington ayaa saldhig weyn ku leh Jabuuti, waana halka ay kasoo duulaan diyaaradaha duqeymaha kala duwan ka geysta dalka Somalia, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin saraakiisha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa bishii May ee sannadkan weerar is-qarxin ah ka fulisay maqaahi ku taalla dalka Jabuuti, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ajaanib dalkaas ku sugan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya