4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Muun-gaab oo Qorsheynaya Is-bedel uu ku sameeyo Maamulka Degmooyinka

Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa lagu wadaa inuu is-bedel ku sameeyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyuhu uu damacsan yahay in dhawaan uu bedelo qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka oo uu horay isagu u magacaabay, kaddib markii uu xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaashii hore ee degmooyinka gobolka Banaadir oo qaarkood la xiray.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in degmooyinka uu damacsan yahay in uu isbedel ku sameeyo guddoomiyuhu ay gaarayaan shan degmo, kuwaasoo aan la ogeyn kuwa ay yihiin.

“Is-bedello ayaa dhawaan lagu sameyn doonaa guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, taasoo qayb ka ah qorshayaal cusub oo guddoomiyaha gobolku dib u habeynayo maamulka gobolka,” ayaa laga soo xigtay il wareed aad ugu dhow duqa Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tani ay qayb ka tahay is-bedel billow u ah maamulka gobolka Banaadir, inkastoo aan la ogeyn sababaha loo bedelayo guddoomiyeyaasha shanta degmo, maadaama uu isla sannadkan xilalkaas u magacabaay Muun-gaab.

Duqa Muqdisho ayaa xilka maamulka gobolak Banaadir waxaa loo dhiibay bishii labaad ee sannadkan, isagoo xilka ka qaaday gudoomiyeyaashii hore ee degmooyinka gobolka oo muddo dheer xilalka hayay, isagoo xubno kale oo dhallinyaro ah u magacaabay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya