4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 26, 2014
Somalia oo ka qeyb-galaysa Tartanka Futsalka Booliiska Adduunka (SAWIRRO)


Arbaco, November 26, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Lommel ee waddanka Beljium ka furmay tartanka cayaaraha Futsalka ee ciidanka booliiska Adduunka ee (World Police Futsal Tournament 2014) kaasoo sanadkii 20-aad la qabanayo, iyadoo sanadkan ay markii ugu horreysya oo ay ka qaybgasho koox ku cayaareysa magaca ciidanka booliiska Somalia.

Kooxda matalaysa booliiska Soomaaliya aya waxaa hogaaminayo, Yuusuf Maxamed Cabdi, iyadoona ciyaartoyda kooxdaan mataleysa Soomaaliya oo ah kuwo ka yar 30sano laga soo xulay dalalka Britian iyo Netherlands. 

Tartankaan ayaa waxaa ka qayb galaya 69-dal oo ka tirsan caalamka oo dhan, iyadoona furitaanka cayaarahan ay kasoo qayb-galeen dublamaasiyiin ka socday qaar ka mid ah dalalka ka qaybgalaya tartanka.

Somalia waxaa ugu qeybgalay danjiraha dalka Brusels iyo EU-da, Danjire Dr. Cali Faqi, waxaana dhinaca kale tartankan kasoo qayb-galay guddoomiyaha Futsalka booliiska Adduunka, Mark Roose iyo madaxa Futsalka Afrika, Abdul Mukhtar.

"Ujeeddaada aan tartankaan ugu qayb-galeyno waa sidii aan u hagaajin lahayn xiriirka booliska caalamka iyo kan Somalia, haddii ay noqot ciyaaraha iyo dhanka wada-shaqeynta. Qorshahu wuxuu ahaa in taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Xasan uu kasoo qayb-galo tartanak, balse taasi ma dhicin, laakiin waxaan rajeyneynaa in xiriirka ciyaaraha booliiska Dunida iyo Soomaaliya uu halkan ka bilawdo, isla markaana sanadaha soo socda la helo koox matasha booliiska Somalia oo ka imaanaysa dalka gudihiisa," ayuu yiri Yuusuf Maxamed.

Guddoomiyaha Futsalka booliiska Adduunka, Mark Roose oo isna garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa yiri. "Waxaan aad ugu faraxsannahay in 20-sano kaddib aan tartankaan ku dhex aragno koox mataleysa dalka Somalia, gaar ahaan Ciidanka booliiska Soomaaliya, waa mid na farxad galineysa, Soomaaliya ciidankeeda waxay ahaayeen kuwo magac iyo sumcad ku leh caalamka, waxaana rajeenayaa inuu dib u soo laabto magacaas, maantana astaanta Soomaaliya ka muuqdo garoonkan dhexdiisa… waana mid sharaf weyn u ah Soomaalida oo dhan iyo tartanka."

Danjiraha Soomaaliya u dhafiya dalalka Benelux iyo ururka Midowga Yurub ayaa isna soo dhaweeyay kooxda mataleysa booliiska Somalia, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in mar waliba lagu dadaalo sidii magaca Soomaaliya loo geyn lahaa fagaarayaasha Caalamka, iyadoo dib loosoo celinayo sharafta Soomaalinimo.

"Somalia waxay cagta saartay waddadii dowlad-nimada iyo inay la jaan -qaado caalamka, isla markaana talaabadaan ay dhallinyaradan ku matalayaan booliiska Soomaaliyeed waxay qayb ka tahay in Somalia ay dib ula soo laabato sumcadii ay ku lahayd saaxada caalamka, waxaana rajo ka qabaa in sanadaha soo socda la heli doono koox ka timaadda gudaha dalka Soomaaliya oo ah ciidanka Soomaaliyeed," ayuu yiri Danjire Fiqi.

Kooxda ciidanka booliiska Somalia ayaa waxay ku jirtaa Group-ka D oo ay ku wehliyaan kooxaha Beljium, Germany, Israa’iil, Hungary, Poland, Wales iyo Luxembourg, waxayna illaa iyo hadda cayaareen afar kulan oo labo ka mid ah ay guul ka gaareen, halka laba kulanna laga badiyay; waxayna u cayaareen sida tan:-

1. Somalia 2-6 Luxembourg
2. Somalia 3-1 Wales (Great Britian) = Soomaaliya Guul.
3. Somalia 0-2 Poland
4. Somalia 3-1 Beljium = Soomaaliya Guul.

Kooxda Somalia ayaa 26-11-2014 oo maanta ku beegan waxay la cayaari doontaa kooxaha dalalka; Germany, Israel iyo Hungary, waxayna kooxda rajo ka qabtaa inay tartankaan guulo la taaban karo ay ka gaarto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya