Gaas oo ku baaqay in AMISOM la keeno Xadka Puntland iyo G/Dhexe
Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xilligan ay muhiim tahay in la xoojiyo
ammaanka gobollada dhexe si aysan Al-shabaab saldhigyo cusub ugu sameysan.
C/weli Gaas ayaa hadalkan kusoo qaaday waraysi uu siinayey
wakaaladda wararka Reuters, isagoo ka digay inay dhici karto haddii Al-shabaab
laga soo sifeeyo Koonfurta Soomaaliya ay farrisamo ka sameysan karaan deegaannada
isku xira Puntland iyo gobollada dhexe.
Waxaa kaloo uu sheegay madaxweyne Gaas inay macquul tahay in
qaar ka mid ah dagaal- yahanadda Al-shabaab ay kusoo dhuuntaan deegaannada
Puntland oo ay gabbaad ka dhigtaan haddii looga soo adkaado dagaallada ka socda
gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed.
Sidoo kale, Gaas ayaa xaqiijiyay in xilligan buuraha Gal-Gala
ay ku dhuuntaan dagaal-yahaanno taabacsan
ururka Al-shabaab, ayna hoy siin karto haddii xubnaha kale ee ururkaas laga soo
saaro Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay AMISOM inay ciidan
keento xuduudaha gobollada dhexe ay la
leeyihiin Puntland si firxadka Al-shabaab aysan ugu soo dhuuman deegaannada
Puntland.
"Waxaan idiin xaqiijinaya inaysan jirin wax xiriir ah oo
naga dhexeeya howlgalka AMISOM ee xilligan ka socda Bartamaha iyo Koonfurta
dalka, balse arrinta aan wadaagno ayaa ah inaanu leennahay hal cadow oo loo
bahan yahay inaan iska kaashano la dagaalantooda, balse waxaa muhiim ah in taas
lagu baraarugsanaado," ayuu yiri madaxweyne Gaas u sheegay Reuters.
Hadalka madaxweyne Gaas ayaa imaanaya xilli gobollada Koonfureed
ee Somalia ay ka socdan howlgallo lagu sheegay in lugu sifeynayo dagaal-yahannada
dowladda kasoo horjeeda ee Al-shabaab,waxaana Puntland ay xilligan ka qabtaa
arrintaas walaac xooggan.
Iimaan Maxamed,Hiiraan
Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya