4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Qaylo Dhaan lagu dalbanayo sii deynta TIICEEY oo lagu qabtay magaalada Minneapolis


Isniin, March 03, 2014 (HOL) - Kulan qaylo dhaan ah oo ay soo abaabuleen jaaliyadda Soomaaliyeed  ee gobolka Minnesota ,laguna dalbanayay in xabsiga laga sii daayo Madaxwaynihii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Max'ed Adan Tiicey  Habeenkii Sabtiga lagu qabtay Hallka Safari  ee magaalada Minneapolis.

Kulankaan ooy isagu yimaadeen dadwayne aad farabadan iyo Hogaamiyaasha Bulshada Gobolka Minnesota ayaa Halkudhagiisu  ahaa  DAAYA TIICEY (FREE TIICEY)

Waxay dhamaan waxgaradkii ka hadlay goobta  ay carabka ku adkeeyeen in Tiicey loo dhaqmo si cadaalad ah ayna sharci daro tahay in qof laysago hayo xabsi iyadoo wax danbi ah aan lagu soo oogin,

Intii uu kulanku socday  ayaa waxaa baaq loo diray dowlada maraykanka inay faro galiso arinta Tiicey maadaama uu yahay muwaadin Maraykan ah.

"Sida wuu dhigayo sharica caalamiga ah qofka noocan oo kala ah waa in uu ogaadaa 48 saac gudahood waxa lagu haysto ama la xukumaa marka tan waa xadgudub" ayuu yiri Shiikh Xasan Jaamici oo ah garyaqaan kaaliye macalinna ka ah jaamacad lagu barto sharciga. "Dowladda Soomaaliya ma aha in ay ka aamusto xariga Tiiceey oo la taliye ka ahaa wasaarada arimaha gudaha" ayuu ku daray Shiikh Xasan

Sahro Nuur oo ka mid  waxgaradka Soomaaliyeed si wanaagsan ay isu yaqaaneen Tiicey ayaa ka warbixisay firfircoonida Max'ed Adan Tiicey, waxayna la yaabtay halka uu Tiiceey tiigsanayey iyo meesha uu ku dambeeyey. Waxayna tiri waa wax runtii aad looga naxo.

Waxaa goobta ka hadashay xaaska Max'ed Adan Tiicey marwo Shamso Abditoon Max'ed khudbad dareen leh oo dajisay gabi ba jawagii goobta ayay ku bilowday mahadnaq dhamaan dadkii garab istaagay iyo intii kulankaan  ka soo shaqaysay ayna u aragto qayb lagu doonayo in cadaalad loo helo xariga saygeeda,

walaalayaal ayeey tiri shamso sidaad ogtahiin Tiicey waxaa lagu haystaa dhawr bilood dalka  Belgium ilaa hadana dhawr jeer baa maxkamad la keenay iyadoo aan la xukumin taasi waxay idin tusaysaa in aysan wax danbi ah ku hayn.

shantii sano oo Tiicey hawshaa qaran wuu nooga maqnaa waxaan ahaa hooyo kaliya oo haysatay 5 caruura waxaana ugu samrayay in wuu fursad wu abuuro Qoysas aan haysan fursadaha aan haysanay aniga & caruuurtayda Sida iskuul  daryeel caafimaad hoy iyo waxii la mida, waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay igala qaybgalaan dadaalka aan cadaalada ugu raadinayo Odaygayga in ay igala qaybgalaan inay wacaan safaaradaha ay Belgium  ku leedahay aduunka meel ay ka joogaan ,inay iigu Soo Duceeyaan in ilaah sida aad ciwaanka barnaamijka ka dhigteen la sii daayo Tiicey ayay Shamso Hadalkeedii Dareenka lahaa ku koobtay

Waxaa goobta laga qaaday hees aan erayadeedii ka xasuusto Daaya tiicey daaya, waa nin dadaaloo u gurmaday dadkiisee, daaya daaya Tiicey daaya

Waxaa goobta ka  hadlay dad farabadan ee ka mid ahaa Cabdi warsame, guddoomiyaha xaafadda 6aad ee magaalada Minneapolis , Shiikh Axmed Taajir Imaamka Masjid Umudu Maxamed, Cabdi Xaashi oo ku hadlay magaca Jaaliyadda Ximan Xeeb kana sheekeeyay waxqabadkii Tiicey uu ka geystay gudaha dalka Soomaaliya, Caabiyo Cabdi oo ah hooyo ay Hawlo badan isla soo qabteen Tiiceey  iyo Farxiyo Khaliif oo ka mida Xubnaha u Adeega Jaaliyadda Kana Hawlgasha Ururada Haweenka ee Gobolka

Siyad Salah, Hiiraan Online
Minneapolis, MN
[email protected]