4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Prof Axmed I. Samatar oo ku baaqay in waddo cusub loo maro aqoonisga Somaliland


Isniin, Maarso 24, 2014  (HOL) - Prof. Axmed I. Samatar ayaa wuxuu bishan 22keedi ka qayb-galay kulan ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Somaliland ee ku nool magaalada Ottawa. Kulankaas ayuu Prof Samatar kaga hadlay qodobo ay ugu mudnaayeen wadada loo mari karo aqoonsiga Somaliland. Kulankaas waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo dhawaan ka yimid Somaliland kana warbixiye xaaladda guud ee Somaliland.

Prof. Samatar ayaa ugu horeyntii wuxuu sheegay inaan wali Somaliland aysan helin wax aqoonsi in ka badan 23 sanno sidaa daraadeedna loo baahanyahay in la maro waddo ka duwan tii horay loo hayey; wuxuuna halkaas ku soo bandhigay ujeedada ay Somaliland ka leedahay in ay hesho aqoonsi caalami ah. Prof. Samatar ayaa wuxuu tilmaan ka bixiyey sababaha ay Somaliland uga goosatay Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin caddaad daro, musuqmaasuq, karti-la’aan, hoggaan-xumo iyo nabad la’aan.

 Prof. Samatar ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ah “Waa in adduunka laga dhaadhiciyo sababaha ay Somaliland u dooneyso aqoonsi, isla markaasna loo qoondeeyaa miisaanayd aan ka yareyn $10 million sannadkiiba taas oo gaar ah ololaha gooni isutaaga Somaliland, sidoo kalana la helo dad aqoon iyo xirfadba u leh in ay gaarsiiyaan shaqsiyaadka iyo dowladaha ku haboon sababaha ay Somaliland u dooneyso aqoonsi.”

Prof Samatar oo hadalkiisii sii wada ayaa waxaa uu tibaaxay in Somaliland ay heshay muftaaxii dowladnimo gaartayna siyaasad deggen, dimoqaraadiyad iyo dhismaha kaabayaashii dhaqaalaha,, taasoo laga arki karo jiritaanka raad dowladnimo.

Prof. Samatar ayaa wuxuu ka digay in aan Somaliland noqonin meel xukunku gacanta u galo koox gaar ah ama qabiil gooni ah, wuxuuna ku baaqay in sida kaliyah ay Somaliland horumar ku gaari kartaa uu yahay wadajirka iyo ka wada qayb-galka maamulka dowladnimo.

Mar uu Prof. Samatar ka hadlayey dhibaatada uu QAADKU ku hayo Somaliland, ayuu sheegay in badeeco dhan ilaa $450 million ay dowladda Itoobiya u soo dhoofiso Somaliland,  ilaa $300 million oo ka mid ah badeecaddaas ay ku baxdaa jaadka laga cuno Somaliland; arrintaas uu Samatar ku tilmaamay dhiig-bax dhaqaale, wuxuuna ku taliyey in la yareeyo qayilaadda si dhaqaalah ku baxa Qaadka loogu leexiyo dhismaha Somaliland.

Ugu dambeyntii wuxuu Prof. Samatar halkaa ku xusay allaha u naxariistee fannaanka weyn ee Maxamed Suleymaan Tubeec isagoo sheegay sida uu uga xunyahay inaan Somaliland fulin dardaarankii Maxamed Suleyman oo ahaa in lagu aaso deegaanka magaalada Berbera. Wuxuu intaa ku daray in sababta AUN Maxamed Suleynaan Xamar loogu duugay ay ugu weyneyd gurmadkii dhaqaale ee Xamar looga fidiyey intuu marxuumku ku xanuunsaa dalka Jarmalka, halka Somaliland aysna xilba iska saarin daryeelkiisa caafimaad. Prof. Samatar ayaa halkaas ka qaaday hees ka mid ah heesihii uu caanka ku ahaa boqorka cudka ee Maxamed Suleymaan oo lagu magacaabo “CIDNA EERSAN MAAYEE".

Prof. Samatar oo horay uga mid ahaa xisbiga HIIL QARAN, magaca xisbigaasna isugu sharaxay doorashadii madaxweyninimada Soomaaliya ee sannadkii 2012, ayaa waxaa dadka qaarkiis u arkaan in uu wali hamigiisa siyaasadeed ka dhex-raadinayo u doodidda qadiyadda Somaliland iyo cambaareynta Dowladda Federalka ee Somaliya.

Axmed Gure, Hiiraan Online
Ottawa, Canada
[email protected]