4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Dibadbaxyo lagu diidan yahay Shariif Xasan oo Maanta ka dhacay Baydhabo

Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Mudaaharaadyo ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo looga soo horjeedo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka, shalayna gaaray degmadaas.

Mudaaharaadayaasha ayaa sheegay inaysan doonayn in xildhibaan Shariif Xasna uu sii joogo Baydhabo, waxayna qaarkood oo warbaahinta la hadlay sheegeen inay ku boorrinayaan madaxda dowladda inay xildhibaanka ka saaraan Baydhabo.

Waxaa la arkayay dibadbaxayaasha oo isku dhigaya gaadiidka AMISOM, iyagoo ku qaylinayay erayo ay ku sheegayeen inaysan ilaalin Shariif Xasan, iyadoo weli ay ka jirto magaalada Baydhabo xiisad kacsanaan ah.

“Innagu waan tashannay, waxaan dhisannay maamul lix gobol ka kooban, innaga ayaana go’aanka iska leh, waana taageersannahay. Ma doonayno xildhibaan Shariif Xasan waayo wuxuu damacsan yahay inuu maamul kale dhiso si uu gobolka uu kala qaybiyo,” ayay saxaafadda u sheegeen dumar iyo rag dibad-baxa ka qaybgalayay.

Sidoo kale, bartamaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ka dhacay is-rasaaseyn kooban oo u dhexeysay ciidammo kala taaageersan Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunoow oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed.

Garoonka diyaaradaha iyo saldhigga booliiska magaalada Baydhabo ayaa amnigooda aad loo adkeeyay, iyadoo sidoo kale lagu arkayo magaalada kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda.

Mudane Shariif Xasan ayaa wuxuu hormuud u yahay shir la doonayo in lagu dhiso maamul ka kooban saddex gobol oo kasoo horjeeda maamulkii horay loo dhisay ee ka koobnaa lixda gobol, kaasoo ay dowladdu ku sheegtay inuu yahay mid dastuurka dalka aan waafaqsanayn.

Shacabka degmada Baydhabo ayaa baqdin weyn ka qaba in dagaallo u dhexeeya taageerayaasha labadan dhinac ay ka dhacaan degmada, iyadoo cid walba ay isha ku hayso sida ay xalaaddu isku bedeli doonto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya