4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Odayaashii lagu Toogtay Buur-hakaba oo lagu Aasay Deegaanka Lambar 50

Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Odayaashii gellinkii dambe ee shalay lagu dilay duleedka magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta lagu aasay deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo odayaasha laga wada toogtay madaxa.

Guddoomiyaha degmada Buur-hakaba, Axmed Maxamed Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dilkaan ay ka dambeeyeen xubno Al-shabaab ka tirsan, inkastoo Al-shabaab ay sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn dilka, balse uu ahaa mid u dhexeeyay dhinacyado isku haya siyaasadda.

“Odayaasha waxaa gaarigii ay wateen kala dagay xubno Al-shabaab ka tirsan oo aan garanayno, waxayna ku yiraahdeen markii ay la dagayeen waan idin sugaynay, dabadeedna indhaha ayay ka xireen dhamaabtood madaxa ayay ka toogteen,” ayuu yri guddoomiyaha degmada Buurhakaba.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in maydadka odayaasha ay iyaguna kasoo qaadeen deegaankii lagu dilay oo uu sheegay inuu ku dhow yahay degmada, ayna kooxihii dilka geystay baxsadeen.

“Waxaan dilay odayaashan Al-shabaab, cid kale oo la weydiinayana ma jiro, waana been hadalka ay sheegeen ee ah inaysan ku lug lahayn dilka odayaashan oo ahaa lixdan jirro,” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Maxamed Yuusuf.

Maydadka odayaasha la toogtay ee lagu aasay deegaanka Lambar 50 ayaa waxay ahaayeen siddeed, waxayna ka mid ahaayeen odayaashii wax ka dhisay maamulka Koonfur-galbeed ee dhawaan lagu dhisay Baydhabo, kaasoo ay dowalddu diidday.

Inkastoo Al-shabaab ay iska fogeysay dilka odayaashaas ayaa haddana wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xiisado ay ka jiraan magaalada Baydhabo, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda dilka odayaashan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya