4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2014
Golaha Wasiirrada Somalia oo Ansixiyay Miisaaniyad Sannadeedka 2014-ka


Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo lagu soo bandhigayay miisaaniyad sanadeedka 2014-ka, waxaana kulanka shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay qodobbo kale oo ay ka mid ahaayeen falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka oo gellinkii dambe ee shalay lagu dilay meel ku dhow degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Ugu horreyn agaasimaha miisaaniyadda wasaaradda maaliyadda, Axmed Cabdi Aadan (Iraad) ayaa sharraxaad ka siiyay golaha wasiirada qaabka qorsheedka miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2014-ka.

Dood dheer kaddib, golaha wasiirradu waxay meel mariyay miisaaniyadda lasoo hor-dhigay  ee sannadkan, taasoo cadadkeedu ahaa 218-Milyan oo dollarka, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka.

Miisaaniyaddan ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha baarlamaanka Soomaaliya si ay uga doodaan kaddibna ay codka ugu qaadaan.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaan baarlamaanka Soomaaliya uu ka dalbaday xukuumadda inay soo gudbiso miisaanyad-sannadkeedka ay dowladdu ku shaqeynayso inta lagu jiro sannadkan 2014-ka.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa cambaareeyay falkii lagu laayay odayaashii dhaqanka oo shir kaga qaybgalayay Baydhabo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, waxayna tacsi u direen qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen odayaashaas.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya